Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ciidamada Ruushka oo si weyn loogu jabiyay dagaalka Ukrain
    Somalia

    Ciidamada Ruushka oo si weyn loogu jabiyay dagaalka Ukrain

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 11, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Taliyaha ciidamada Ukraine ayaa sheegay Axaddii, in ciidamada Ukraine ay guulo ka gaarnen dagaalkii ka socday waqooyiga gobolka Kharkiv, ayna u sii gudbeen koonfurta iyo bariga dalka, kadib markii ay si degdeg ah gacantooda ugu soo dhacay xaruntii ugu weyneyd ee Ruushka ee waqooyi bari Ukraine.

    Taliyaha ciidamada Ukraine General Valery Zaluzhny ayaa sheegay in 10-kii maalmood ee lasoo dhaafay ay Ruushka ka qabsadeen dhul gaaraya 3,000 oo kiilo mitir, isaga oo sheegay in gobollada koonfurta, bariga, iyo waqooyiga dalkaas ay horumar ka sameeyeen ciidanku, isla markaana ay 50 kiiloomitir u jiraan xadka gobollada uu Ruushku wada heysto.

    Gacan ku dhigista magaalada Izium ayaa calaamad u ah jabkii ugu xumaa ee soo gaaray ciidamada Ruushka tan iyo markii laga saaray magaalada caasimadda ah ee Kyiv bishii March, iyadoo kumannaan askari oo Ruushku ay ka tageen rasaas iyo qalab markii ay carareen.

    Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa soo dhoweeyay ka bixitaanka Ruushka ee magaalada Izyum ee gobolka Kharkiv, isagoo sheegay inuu yahay horumar laga gaaray dagaalka lixda bilood socday, isagoo sheegay in xilliga qaboobaha uu keeni karo guulo dhinaca dhulka ah oo degdeg ah haddii Kyiv ay hesho hub awood badan.

    “Waxaan rumaysanahay in xilliga qaboobaha uu yahay mid isbedel leh, waxayna keeni kartaa in si degdeg aan dib ugu qabsanno Ukraine,” ayuu Zelenskiy ku yiri faallooyin uu siiyay madal siyaasadeed oo lagu daabacay boggiisa internet-ka Sabtidii. “Waan aragnaa sida ay uga cararayaan Ruushku jihooyinka qaarkood, haddii aan dhinaca hubka uga xoog badnaan lahayn, si dhaqso ah ayaan u qabsan lahayn.” ayuu raaciyay.

    Oleh Zhdanov oo ah falanqeeye milateri oo fadhigiisu yahay magaalada Kyiv ayaa sheegay in guulaha laga gaaray Ruushka ay dhabbaha u xaari karaan in si dheeraad ah loogu sii socdo gobolka Luhansk, kaasoo qabsashadiisa ay Ruushku sheegeen horaantii bishii June.

    “Haddii aad eegto khariidadda, waa macquul in la qiyaaso in weerarku uu ku kobcin doono jihooyinka Svatovo – Starobelsk, iyo Sieverodonetsk – Lysychansk. Waa laba tilmaamood oo rajo leh, “ayuu yiri Zhdanov.

    Reuters.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.