Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Goorma iyo meelma,ayaa lagu Aasayaa Boqorad Elisebet
    Somalia

    Goorma iyo meelma,ayaa lagu Aasayaa Boqorad Elisebet

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 11, 2022No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Naxashka meydka boqoradda ayaa la dhigi doonaa hoolka Westminster Abbey afar maalmood ka hor aaskeeda oo ku aaddan maalinta Isniinta, ee ku beegan 19-ka Sebtember.

    Dadweynaha ayaa loo oggolaan doonaa inay daawadaan naxashka muddadaas.

    Hoolka ayaa ku yaalla qeybta ugu qadiimsan ee qasriga Westminster, oo muhiim u ah Britain. Sanadkii 2002, naxashka Boqoradda hooyadeed oo xilligaa geeriyootay ayaa la dhigay hoolka, waxaana booqday in ka badan 200,000 oo qof.

    Naxashka Boqoradda ayaa la saari doonaa dhismo taag ah oo loo yaqaan catafalque, halkaas oo ay ilaalin doonaan askar ka tirsan ilaalada boqortooyada.

    Naxashka ayaa marka hore laga soo qaadi doonaa qasriga Buckingham, waxaana qaadaya gaadiid tartiib u socda oo ay la socdaan milateriga iyo xubno ka tirsan qoyska boqortooyada ay geyn doono qasriga Westminster.

    Intaas ka hor, meydka boqoraddu wuxuu sii yaali doonaa St Giles’ Cathedral ee Edinburgh muddo 24 saacadood laga bilaabo Isniinta oo ay taariikhdu tahay 12 Sebtembar.

    Qoyskeeda, siyaasiyiinta iyo hoggaamiyeyaasha adduunku waxay ka qaybgeli doonaan aaska qaran ee boqoradda oo loo asteeyay 19-ka September saacadda 11:00 xilligia UK. Waxay noqon doontaa maalin fsax ah guud ahaan dalka UK.

    Safarka naxashka boqoradda ee ugu dambeeya ayaa billaaban doona maanta oo Axad ah, iyada oo naxashkeeda ay qaadi doonaan shaqaalaheeda Balmoral kuwaas oo geyn doona Edinburgh.

    Marka uu halkaa gaaro, waxaa naxashka la dhigi doonaa qasriga Holyroodhouse ee ay boqortooyadu ku leedahay magaaladaas. abaare 4-ta galabnimo ee xilliga UK.

    Gelinka dambe ee Isniinta, waxaa loo gudbin doonaa St Giles’ Cathedral, iyada oo ay weheliyaan xubno ka tirsan qoyska Boqortooyada. Waxaa jiri doona duco, naxashkuna wuxuu ku nasan doonaa halkan 24 saacadood, si ay dadku u bixiyaan ixtiraam.

    Maalinta xigta, amiirad Anne ayaa raaci doonto maydka hooyadeed marka loo soo gudbinaya London. Naxashka boqorada ayaa laga qaadi doonaa madaarka Edinburgh ilaa Qasriga Buckingham.

    Galabta Arbacada, waxaa la geyn doonaa Westminster Hall, abaare 3-da galabnimo.

    Isniinta, 19-bisha Sebteembar aaska qaran waxa xigi doona socod ka ka soo bilaabanaya London ilaa Windsor Castle. Boqorada waxaa lagu aasi doonaa King George VI Memorial Chapel ee Windsor.

    Safarka boqorka

    Kahor aaska hooyadii, boqorka cusub wuxuu booqan doonaa Scotland, Waqooyiga Ireland iyo Wales. Ra’iisul Wasaare Liz Truss ayaa ku wehlin doonto safarka.

    Baroordiiq qaran ah ayaa socon doonta ilaa maalinta aaska qaranku dhacayo, sida ay xukuumaddu ku dhawaaqday. Qoyska boqortooyada ayaa sii wadi doona baroor diiqa todoba maalmood ka dib.

    Westminster Abbey waa kaniisada taariikhiga ah boqorrada Britain lagu caleemo saaro – laakiin ma jirin adeeg aaska boqortooyada ah oo halkaas ka dhacay ilaa qarnigii 18-aad.

    Aaska Boqorada aabaheed, awooweheed iyo ayeeyadeed iyo ayeeyadeed labaad, Queen Victoria, ayaa dhamaantood lagu qabtay St George’s Chapel, Windsor.

    Madaxda dawladaha adduunka oo dhan ayaa lagu martiqaadi doonaa inay ku soo biiraan xubnaha qoyska boqortooyada si ay u xusuustaan ​​nolosha iyo adeegga boqoradda

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.