Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Xasan oo si hoose loogu qaabilay Aqalka-cad
    Somalia

    Madaxweyne Xasan oo si hoose loogu qaabilay Aqalka-cad

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 16, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Somaliya,waxaa qaabilay Kaaliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Amniga Qaranka Jake Sullivan,waxaana loo sameeyay salaan kooban,iyadoo lagala hadlay Argagixisada iyo Abaaraha.

    War-saxafadeedka waa kan”

    Kaaliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Amniga Qaranka Jake Sullivan.
    ayaa maanta Aqalka Cad ku qaabilay Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud kulan lagu xoojinayo iskaashiga xooggan ee ka dhaxeeya Mareykanka iyo Soomaaliya.

    Mr. Sullivan, oo ay wehelinaysay Kaaliyaha Madaxweynaha ee Amniga Gudaha Dr. Elizabeth Sherwood-Randall, ayaa ku ammaanay hoggaanka Soomaaliya shaqada ay ugu jiraan dhisidda talo qaran iyo ka hortagga khatarta argagixisada Al-Shabaab. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey Mareykanka iskaashiga milateri iyo midka rayidka ah ee socda si loo dhiso Soomaaliya xooggan, xasilloon oo nabad ah.

    Mudane Sullivan iyo Madaxweyne Xasan Sheekh waxay ka wadahadleen muhiimadda dib-u-heshiisiinta siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan dib u cusboonaysiinta isku-dubbaridka u dhexeeya dawladda Faderaalka ee Soomaaliya iyo dawladdaha xubnaha ka ah dawladda Faderaalka si loo horumariyo dawladnimada, ilaalinta sharciga, bixinta adeegga, iyo amniga shacabka Soomaaliyeed.

    Mudane Sullivan iyo Madaxweyne Xasan Sheekh waxay hoosta ka xariiqeen saaxiibtinimada dhow iyo iskaashiga ka dhexeeya Mareykanka iyo Soomaaliya, waxayna muujiyeen sida ay uga goโ€™an tahay inaan xoojinno dadaallada wadajirka ah ee aan ku xoojineyno awoodda Soomaaliya ee ka hortagga Al-Shabaab iyo dhisidda mustaqbal daboolaya baahiyaha shacabka Soomaaliyeed.

    Waxay walaac ka muujiyeen abaarta baโ€™an ee Geeska Afrika, taasoo si weyn u saamaysay Soomaalida, waxayna carrabka ku adkeeyeen baahida degdegga ah ee loo qabo gargaar biniโ€™aadantinimo oo dheeri ah. Dhaqaalaha Mareykanka uu wax kaga qabanayo abaaraha ka jira Soomaaliya ayaa ka badan $706 milyan oo doollar sanadkan oo kaliya, taasoo ka dhigan in ka badan kala bar dhammaan lacagaha bini’aadantinimo ee Soomaaliya.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.