Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»MBS oo noqday ra’isalwasaaraha Boqortooyada Sacuudiga
    Somalia

    MBS oo noqday ra’isalwasaaraha Boqortooyada Sacuudiga

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 28, 2022No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Boqorka Sacuudiga, Salmaan Bin C/casiis,ayaa Wiilkiisa, ahna dhaxal-sugaha Maxamed Bin Salmaan u magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Boqortooyada, halka Wiilkiisa labaad Amiir Khalid uu u magacaabay Wasiirka Gaashaandhigga, sida lagu sheegay wareegto kasoo baxday boqortooyada Talaadadii.

    Isku shaandheyntan,ayaa Wiil kale oo lagu magacaabo, Amiir Abdulaziz bin Salman, laga dhigay wasiirka tamarta, sida Boqorka da’da ah uu ku yiri wareegtada boqortooyada, oo ay baahisay wakaaladda wararka ee SPA.

    Wasiirka arrimaha dibedda Amiir Faisal bin Farhan Al Saud, Wasiirka Maaliyadda Mohammed al-Jadaan iyo Wasiirka Maalgashiga Khalid al-Falih ayaa kusoo noqday boosaskooda, sida ay muujineyso wareegtan.

    Dhaxal sugaha, oo loo yaqaan MbS, ayaa laga dalacsiiyay wasiirka gaashaandhigga, waxaana uu ahaa hoggaamiyaha dhabta ah ee dalka dhoofinta saliidda ugu weyn adduunka, ahna saaxiibka ugu weyn Mareykanka ee Bariga Dhexe.

    Mas’uul ka tirsan Sacuudiga ayaa sheegay in xilka cusub ee Ra’iisul wasaaraha uu yahay mid la jaan qaadaya shaqooyinkii iyo masuuliyaddii hore ee boqorka oo ay ka mid yihiin inuu Boqortooyada u matalo booqashooyinka dibadda iyo shir-guddoonka shirarka ay martigelineyso Boqortooyada Sacuudiga.

    Amiir Khalid bin Salman, oo ah walaalka ka yar MbS, ayaa horay u soo noqday wasiir ku xigeenka gaashaandhigga.

    Reuters.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    December 20, 2025

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.