Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Waa kuma Cabdullaahi Nadiir hogaamiyaha muhiimka ahaa Ee laga dilay Alshabaab ?
    Somalia

    Waa kuma Cabdullaahi Nadiir hogaamiyaha muhiimka ahaa Ee laga dilay Alshabaab ?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 3, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dad ka mid ah kuwa sida dhow u yaqaan Cabdullaahi oo ka gaabsaday in aan haybtooda sheegno sababo amni awgood, ayaa sheegay in Cabdullaahi Nadiir uu ahaa daโ€™aada 44 jirka, isla markaana ay qoyskiisa ka soo barakaceen Koonfur-galbeed kaddib “Abaartii Cagabararka” ee koonfurta Soomaaliya ka dillaacday sanadkii 1992.

    Cabdullaahi ayaa xilligaas daโ€™diisa lagu sheegay dhowr iyo toban jir, waxaana ay qoyskiisa soo dageen deegaanka Lafoole ee u dhaxeeya Muqdisho iyo Afgooye.

    Lama sheegin waxbarasho aasaasi ah oo uu helay, waxaase la tilmaamay in muddo kaddib uu u wareegay dhanka Muqdisho, halkaasna uu ku bartay culuumta kumbiyuutarka markii dambena noqday macallin kumbiyuutar.

    Markii uu si qarsoodi ah u soo shaac baxay ururka Al-Shabaab sanadkii 2004, waxaa la tilmaamay in Cabdullaahi Nadiir uu ka mid ahaa ragga aadka ugu dhow hoggaamiyhii hore Axmed Cabdi Godane, isla markaana uu ahaa gacan-yarihiisa.

    Godane ayaa Nadiir u magacaabay xafiiska warfaafinta ee Al-Shabaab, waxaana uu ka mid ahaa raggii diyaariyay barnaamijkii uu 2009 ururkaas aad ugu dhaliilay Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo xilliyaas loo doortay madaxtinnimada Soomaaliya.

    Dadka ka warramay taariikhda Cabdullaahi Nadiir ayaa sheegay in markii uu Axmed Cabdi Godane si buuxda ula wareegay hoggaanka uu fursad u waayay saaxiibkiis Cabdullaahi Nadiir, sidaana uu ugu wareegay dhanka Ibraahim Xaaji Jaamac (Ibraahim Afghan) oo ka mid ahaa hoggaamiyayaasha Al-Shabaab.

    Nadiir iyo Afghan ayaa noqday saaxiibbo dhow. Axmed Godane iyo Ibraahim Afghan ayaa isku qabtay arrimo la xiriira hoggaanka ururka, waxaana taas ay keentay dagaalyahannada ururkaas inay bishii Juun ee 2013 Ibraahim Afghan ku dilaan Shabeellaha hoose.

    Dilkii Ibraahim Afghan kaddib, Cabdullaahi Nadiir oo ay kala irdhoobeen saaxiibkiisii hore ee Godane ayaa u cararay gobolka Gedo, waxaana uu halkaas ku dhuumaalaysanayay in muddo ah.

    Kaddib markii uu Mareykanka duqeyn ku dilay Axmed Godane bishii Sebteembar ee 2014, waxaa hoggaanka Al-Shabaab la wareegay Axmed Cumar Diiriye (Abuu Cubayda), kaasoo mar kale saaxadda ku soo celiyay Cabdullaahi Nadiir.

    Waxa uu noqday madaxa Golaha Shuurada iyo sarkaalka ugu sarreeya maaliyadda. Sidoo kale waxa uu Al-Shabaab u qaabbilsanaa waxa ay ugu yeeraan dacwadda.

    Dadka yaqaan waxa ay ku tilmaameen nin mayal-adag, oo ay ku fog tahay afkaarta gaalaysiinta ama waxa loo yaqaan takfiirinta.

    Waxaa u dhaxday haweeney la dhalatay Xasan Daahir Aweys oo uu dumaal ahaan ku guursaday kaddib markii uu ka dhintay Walaalkiis.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.