Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dacwad lagu soo oogay Facebook,Twitter iyo Google
    A judge’s gown and gavel with sound block on deep, rich colored wooden desktop and American flag
    Somalia

    Dacwad lagu soo oogay Facebook,Twitter iyo Google

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 4, 2022Updated:October 4, 2022No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Maxkamadda sare ee dalka Maraykanka,ayaa sheegtay Isniintii inay dhegaysan doonto laba dacwadood oo ka dhan ah shirkadaha waaweyn ee iska leh baraha isgaarsiinta bulshada.

    Facebook, Google iyo Twitter ayaa lagu eedeeyey inay qayb ku lahaayeen mas’uuliyadda weeraro argagixiso oo la qaaday, waxaana kooxda dacwoonaysaa ay doonayaan in shirkadahan lagu xukumo inay magdhaw bixiyaan.

    Ehellada dad lagu laayey weeraro argagixiso oo ka kala dhacay Faransiiska iyo Turkiga ayaa dacweeyey shirkadaha Google, Twitter iyo Facebook, iyaga oo ku eedeeyey in shirkadahani inay ka caawiyeen kooxaha xagjirka ah inay faafiyaan fariimahooda, si ay dadka u xagjireeyaan isla markaana dad cusub u qortaan.

    Maxkamadda Sare ayaa sheegtay inay dacwaddan dhegaysan doonto, inta lagu guda jiro, kal-fadhigoodan oo bilaabmay Isniintii, waxaana la filayaa inay ka go’aan gaadhaan inta ka horraysa dhammaadka bisha June ee soo socota. Maxkamaddu ma aysan sheegin, xilli gaar ah oo ay dhegaysan doonto dacwaddan, hase ahaatee waxaa la ogsoon yahay in jadwalka maxkamaddu uu buuxo bilaha October iyo November.

    Mid ka mida kiisaska ay maxkamadda sare dhegaysan doonto ayaa ah, Nohemi Gonzalez oo ah 23 jir u dhashay dalka Maraykanka oo wax ka baranayey magaalada Paris. Ardayga ayaa ka mid ahaa illaa 130 qof oo ay weerar ku dileen kooxda ISIS, bishii November ee sannadkii 2015.

    Ehelada Gonzalez ayaa dacweeyey shirkadda Google oo iska leh Youtube, iyaga oo sheegay inay ka caawisay kooxda ISIS inay soo bandhigaan boqollaal muuqaal ah oo gacan ka geystay hurinta rabshadaha iyo weliba inay qortaan taageerayaal cusub. Ehelada Gonzalez ayaa sheegtay in algorithms-ka computer-ada ee shirkaddu inay ka qayb qaateen faafinta muuqaallada kooxdaas, iyaga oo daawadayaasha gaadhsiinayey.

    Hase ahaatee garsoore hore ayaa kiiskan Meesha ka saaray, waxaase dacwadooda ayiday garsoore ka tirsan maxkamadda racfaanka ee heer federaal, arrintaas ayaa keentay in la isula yimaddo maxkamadda sare si ay go’aan kama dambays ah uga gaadho.

    Sida uu dhigayo sharci u yaalla dalka MAraykanka, gaar ahaan Qaybta 230 ee xeerka hufnaanta isgaadhsiinta, shirkadaha iska leh baraha bulshada ayaa laga dhaafay in loo qabsado arrimaha ay soo bandhigaan dadka isticmaalaya.

    Kiiska kale waxaa qayb ka ah muwaadin u dhashay dalka Jordan oo lagu magcaabo Nawras Alassaf, kaas oo ku dhintay sannadkii 2017 weerar lagu qaaday goob lagu caweeyo oo ku taalla Istanbul, ka dib markii ay weerareen xubno ka tirsan kooxda ISIS. Goobtaas waxaa ku dhintay illaa 39 qof.

    Qoyska Nawras ayaa dacwad ku soo oogay shirkadaha Twitter, Google iyo Facebook iyaga oo ku eedaynaya inay taageereen falalka argagixisanimada, ka dib markii ay ka caawiyeen kooxda ISIS inay si weyn u kobocdo, ayna u adeegsato baraha bulshada inay gaadho meelo fogfog.

    Associated Press

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    December 20, 2025

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.