Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Danbiyada ka dhaca Maraykanka oo hoos udhacay Sanadkan
    Somalia

    Danbiyada ka dhaca Maraykanka oo hoos udhacay Sanadkan

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 6, 2022No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Hay’adda dembibaarista ee Maraykanka ee loosoo gaabiyo FBI,ayaa sheegtay in dembiyada ka dhaca dalka Maraykanku ay xoogaa hoos u dhaceen, ka dib markii sannadkii hore la diiwaangeliyey sare u kac, sida lagu sheegay warbixin cusub oo ay hay’addu sii daysay Arbacadii.

    Warbixinta ay soo saartay hay’adda FBI-da,ayaa lagu sheegay in sannadkii hore, dembiyada ka dhacay dalka Maraykanku inay gaadhayeen 1,313,200 oo dembi oo rabshado wata, halka tirada dembiyada ee dhacay sannadkii 2020 ay gaarayeen illaa 1,326,600 oo dembi.

    Warbixinta,ayaa lagu sheegay in dhinaca kale ay tirada dilalka ka dhacay Maraykanku ay kor uga kaceen 22,000 oo dil oo la diiwaangeliyey sannadkii 2020, iyaga oo sannadkii hore ee 2021 gaadhay 22,900 oo dil.

    Warbixintan,ayaa ku soo beegantay xilli ay Dad badan oo Maraykan ahi ay ka walaacsan yihiin kororka ku yimi rabshadaha ka dhaca dalka, waxaana arrintani ay noqotay mid si weyn loo hadal hayo, xilli la filayo in dalka Maraykanka ay doorasho ka dhacdo bisha dambe.

    Hase ahaatee hay’adda FBI,ayaa ka digtay in culays badan la saaro dhinaca xogta, taas oo ka tarjumaysa qiyaasaha rasmiga ah ee la xiriira heerka ay marayaan dembiyada ka dhaca dalka Maraykanka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    December 20, 2025

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.