Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Muxuu Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay Golaha Wasiirada XFS + Sawirro
    Somalia

    Muxuu Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay Golaha Wasiirada XFS + Sawirro

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 6, 2022No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa guddoomiyey shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada oo lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan qorshaha gurmadka, horumarinta iyo xasilinta deegaannada laga xoreynayo argagixisada Alshabaab.

    Madaxweynaha ayaa tilmaamay in xaalad adag ay ku nool yihiin dadka Soomaaliyeed ee ku sugan deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisadu, iyadoo dowladdu ay gurmad degdeg ah gaarsiisay muwaadiniinta ku dhibaataysnaa goobaha laga xoreeyey argagixisada Alshabaab, waxa uuna faray dhammaan Wasaaradaha in ay masโ€™uuliyad gaar ah iska saaraan sidii deegaanadaas looga fulin lahaa adeegyada aasaasiga ah ee bulshada.

    Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay Golaha Wasiirada in ay mudnaanta koowaad siiyaan ladagaallanka argagixisada caqabadda ku ah dowladnimada Soomaaliyeed, Wasaaradaha oo dhana ay kaalin ku yeeshaan dagaalkaas ka dhan ka ah argagxisada iyo xoreynta deegaannada ay haystaan.

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa bogaadiyey sida shacabka Soomaaliyeed ay uga garab taagan yihiin halyeeyada Ciidamada Qalabka Sida, waxa uuna tilmaamay in dowladdiisa ay ka goโ€™an tahay xoreynta deegaannada ay haystaan argagixisada Alshabaab iyo in dagaal joogto ah lagu qaado cadawgan duullaanka ku ah nabaddeenna, dowladnimadeenna iyo madaxbannaanida dalkeenna.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.