Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxamed bin Salmaan oo dharbaaxo siyaasadeed ku dhuftay Biden
    Somalia

    Maxamed bin Salmaan oo dharbaaxo siyaasadeed ku dhuftay Biden

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 8, 2022No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Khamiistii qirtay inuu guuldarreystay mid ka mid ah khamaar siyaasadeedkiisii arrimaha dibedda ee ugu weynaa uguna bahdilka badnaa oo ah; salaan gacan-duubkii uu la yeeshay dhaxal-sugaha Sacuudiga Amiir Maxamed Bin Salmaan oo lala xiriiriyo xadgudubyo ka dhan xuquuqda aadanaha.

    Kulankii yaabka lahaa ee Biden uu July la yeeshay Maxamed Bin Salmaan ayaa ahaa isku day uu ku hagaajinayey xiriirka quwadda ugu saameynta badan shidaalka caalamka, xilli Mareykanka uu raadinayey caawimaad la xiriirta sare u kaca shidaalka ee ka dhashay duulaanka Ruushka uu ku qaaday Ukraine.

    Salaan gacan-duubkaas dhacay saddex bil kahor waxaa xigay dharbaaxo weji oo toddobaadkan ka timid Amiir Maxamed, taasi oo ah: dalalka OPEC+ ee shidaalka soo saara iyo Ruushka oo dhimay wax soo-saarka.

    Tallaabadan ayaa sare u qaadeysa qiimaha shidaalka kana careysiin doonta cod-bixiyayaasha Mareykanka kahor doorashada dhexe ee Mareykanka ee dhacaysa November, taasi oo wiiqeysa rajadii Biden iyo Dimoqraadiga.

    Mar wax laga weydiiyey ficillada Sacuudiga, Biden ayaa weriyayaasha u sheegay Khamiistii “Inay aheyd niyadjab, ayna muujineyso inay dhibaato ka jirto” xiriirka Mareykanka iyo Sacuudiga.

    Xubno Dimoqraadi ah oo ka tirsan Congress-ka ayaa Mareykanka ugu baaqay Khamiistii inuu joojiyo siyaasadda tobaneeyada sano jirta ee Mareykanka uu hubka uga iibiyo Sacuudiga, kuna siiyo ilaalinta militari.

    Waxay ku eedeeyeen Amiir Maxamed inuu isaga joojiyey inuu dhanka Sacuudiga ka ilaaliyo iskaashigan istaraatiijiga ah ee jiray in ka badan 70 sano.

    Xiriirkan ayaa ku saleysan in Mareykanka uu boqortooyada ka ilaaliyo cadowga dibedda, islamarkaana Sacuudiga uu suuqyada caalamka siiyo shidaal ku filan si loo xasiliyo.

    Ku-baaqista dhimista wax soo-saarka shidaalka waa “ficil cadaawad ah”, waxaa sidaas yiri Tom Malinowski oo ah dimoqraadi ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka oo isaga iyo laba xildhibaan oo kale ay qoreen sharci ku baaqaya in ciidamada Mareykanka iyo habka difaaca gantaallada laga soo saaro Sacuudiga.

    “Waxa Sacuudiga ay sameeyeen si ay uga caawiyaan Putin inuu sii wado dagaalkiisa laga yaqsiyoodo ee ka dhanka ah Ukraine waxaa weligeed xusuusan doona dadka Mareykanka,” waxaa sidaas yiri hoggaamiyaha aqlabiyadda Senate-ka Mareykanka Chuck Schumer.

    “Waxaan eegeynaa dhammaan hababka sharciga ah ee aan kula tacaaleyno ficilkan xun ee daneysiga ah,” ayuu yiri.

    Mareykanka iminka wax qorshe ah kama lahan inuu shaqaalihiisa militari kala soo baxo Sacuudi Carabiya, waxaa sidaas yiri afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka Vedant Patel.

    Congress-ka iyo xubnaha maamulka Biden ayaa ka falcelinyey dhimis ka badan intii la filayey oo ah laba milyan oo barmiil maalintii oo wax soo-saarka saliidda cayriin ay ku sameeyeen dalalka OPEC+ ee ay hoggaamiyaan Sacuudiga iyo Ruushka.

    Dhimistan ayaa sare u qaadi doonta qiimaha shidaalka, waxayna xoojin doontaa dakhliga shidaalka kasoo gala Ruushka, oo u adeegsanaya dagaalka ka dhanka ah Ukraine, inkasta oo Reer Galbeedka ay xayiraado saareen.

    Wasiirka shidaalka Sacuudiga Abdulaziz bin Salman, oo ah wiilka ka yar dhaxal-sugaha, ayaa kulankii OPEC+ ku adkeystay inaysan “cadaawad ku jirin,” tallaabada ay qaadeen.

    AP/VOA

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.