Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Sacuudiga oo Ganafka ku dhuftay dhaleecaynta ka timid Maraykanka
    Somalia

    Sacuudiga oo Ganafka ku dhuftay dhaleecaynta ka timid Maraykanka

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 13, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Sacuudia Carabiya ayaa diiday kuna sheegtay “wax aan xaqiiqda ku saleysneyn” dhalleeceynta ka dhanka ah go’aankii uu toddobaadkii tegay qaatay ururka OPEC+ ee uu ku dhimayo wax soo-saarka saliidda, xilli Mareykanka uu aad uga soo horjeedo.

    Sacuudi Carabiya waxa sheegtay in codsiga Mareykanka uu ahaa in go’aanka dib loo dhigo hal bil kaliya, uuna yeelan lahaa cawaaqib dhaqaale oo taban.

    Go’aanka OPEC+ waxaa lagu qaatay si heshiis ah ayada oo lagu xisaabtamayo isu-dheeli tirka soo-saarka iyo dalabka, waxaana looga dan lahaa in lagu xakameeyo xasillooni darrada suuqa, waxaa sidaas bayaan ay maanta soo saartay ku tiri wasaaradda arrimaha dibedda Sacuudiga.

    Madaxweyne Joe Biden ayaa Talaadadii wacad ku maray “Inuu jiri doono cawaaqib” ku yimaada xiriirka Mareykanka iyo Sacuudiga kadib go’aankii OPEC+ ee toddobaadkii ay qaateen ayaga oo ku gacan sayray diidmada Mareykanka.

    Kooxda OPEC+ oo ka kooban dalalka shidaalka dhoofiya iyo Russia ayaa toddobaadkii tegay ku dhowaaqay inay dhimayaan bartilmaameedkooda wax soo-saar kadib toddobaadyo uu Mareykanka waday qalqaalo ah inaysan sidaas sameyn.

    Dhimista OPEC+ ayaa Washington ka buurtay walaac ku saabsan suurta-galnimada ah inuu sare u kaco qiimaha shidaalka kahor doorashada dhexe ee November, taasi oo Dimoqraadiga ay isku dayayaan inay sii xajistaan maamulka Aqalka Wakiilada iyo kan Senate-ka.

    Wasaaradda arrimaha dibedda Sacuudiga ayaa maanta xustay wadatashiyo ay la yeelatay Mareykanka kahor kulankii OPEC+ ee 5-tii October, taasi oo lagu weydiistay inay dhimista dib u dhigto muddo bil ah.

    “Boqortooyadu waxay caddaysay iyada oo la tashanaysa maamulka Maraykanka in dhammaan falanqaymaha dhaqaale ay muujinayaan in dib u dhigista go’aanka OPEC + muddo bil ah, sida lasoo jeediyey, ay yeelan lahayd cawaaqib dhaqaale oo taban,” ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda arrimaha dibadda ee Sucuudiga.

    Mareykanka ayaa ku eedeeyey Sacuudi Carabiya inay isu dhiibtay Ruushka oo kasoo horjeeda in dalalka Reer Galbeedka ay xaddidaan qiimaha shidaalka Ruushka ayaga oo uga jawaabaya duulaanka ay Moscow ku qaaday Ukraine.

    Bayaanka wasaaradda arrimaha dibedda Sacuudiga, oo soo xiganaya sarkaal aan la magacaabin, ayaa adkeeyey in dhimista “ay sii buuxdo ugu saleysneyd dhaqaale.”

    Waxaa sidoo kale lagu sheegay in boqortooyada ay u aragto xiriirkeeda Mareykanka mid “Istaraatiji ah” waxayna xoojisay muhiimadda ay leedahay in la is-ixtiraamo.

    Golaha Iskaashiga Khaliijka ayaa sidoo kale soo saaray bayaan uu ku taageerayo hadalka Sacuudiga, wuxuuna amaanay dadaallada boqortooyada ay suuqa uga ilaalineyso qalalaase.

    REUTERS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    December 20, 2025

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.