Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Jarmalka oo taageero fara-badan u ballanqaaday DFS
    Somalia

    Jarmalka oo taageero fara-badan u ballanqaaday DFS

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 15, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Gurmadka Abaaraha Md. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa kulan mira-dhal ah la qaatay Madaxda Horumarinta Afrika u qaabilsan Wasaaradda Dhaqaalaha iyo Arrimaha Horumarinta Caalamiga ah ee Dawladda Jarmalka.

    Ergeyga ayaa masuuliyiinta uu kulanka la qaatay uga war bixiyay dhibaatada abaaraha ka jira Soomaaliya, in dalku qarka u saaran yahay macaluul markii labaad muddo 11 sano gudahood ah iyo in weli farqi weyn uu u dhaxeeyo deeqaha la ballan-qaaday iyo baahida ay sababtay abaarta dad iyo duunyaba wax-yeelleysay.

    Wasaaradda Dhaqaalaha iyo Horumarinta Jarmalka ayaa balan-qaadday in Xukuumadda Berlin ansixi doonto kaalmo cusub oo ay kaga qayb-qaadanayaan gurmadka abaaraha Soomaaliya, si looga baaqsado macluul ka daran middii 2011-kii oo ay ku dhinteen in ka badan 260,000 oo qof oo carruur iyo haween u badan.

    Jarmalka wuxuu kaalinta labaad ka gelayaa Dawladaha gacanta ka gaysta taageerada gurmadka abaaraha ee Soomaaliya isagoo ku xiga Dowladda Maraykanka oo kaalin mug leh ka qaadaneysa dadaallada lagu garab istaagayo dadka abaaraha iyo iska-hor-imaadyada hubeysan saameeyeen ee gurmadka degdegga ah u baahan.

    Abaarta hadda ka jirta Soomaaliya ayaa ah middii ugu darnayd 40-kii sano ee la soo dhaafay, waxaana u sabab ah afar xilli roobaad oo baaqday, halka xilli roobaadkii shanaad ee la sugayay bilaha October, November iyo December laga baqdin qabo in uusan u diโ€™in si dhameystiran, taas oo kor u qaadi doonta tirada dadka ay soo food saartay cunto yarida.

    Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa wali ku guda jira socdaal uu ku marayo qaar ka mid ah dalalka Yurub si uu indhaha Caalamka ugu soo jeediyo baaxadda abaarta ka jirta dalka, deeq-bixiyayaashana ugu boorriyo in ay si aan kala har lahayn uga qeyb qaataan gurmadka abaaraha.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.