Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Daahir Mire Jibriil oo ka digay carqaladeynta Dilmuquraadiyadda Puntland
    Puntland

    Daahir Mire Jibriil oo ka digay carqaladeynta Dilmuquraadiyadda Puntland

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 17, 2022Updated:October 17, 2022No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Daahir Mire Jibriil, oo kamid ah asaasayaashii dawladda Puntland ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta iyo shacabka Puntland in si buuxda loo taageero, loogana qeybqaato hirgelinta nidaamka dilmuquraadiyeynta Puntland.

    Wareysi uu siiyay Puntland TV/Radio, ayuu Daahir Mire ku sheegay in nidaamkan uu muhiim u yahay jiritaanka dawladnimada iyo midnimada Puntland, uuna yahay mid kamid ah qodobadii bud-dhiga u ahaa asaaska dawladda Puntland.

    Sidoo kale, Daahir Mire Jibriil ayaa xusay in ay tahay wax aan la qaadan karin in la mucaarado hannaanka dilmuquraadiyeynta, isagoo uga digay siyaasiyiinta reer Puntland in caqabado iyo jahwareerin lagu sameeyo hannaankan oo ah mid qaneeco iyo wadajir u horseedaya dadka reer Puntland oo qaarkood aan matalaad siyaasadeed ku laheyn Puntland, tan iyo asaaskeedii 24 sano kahor.

    Qurbajoogta Reer Puntland ayaa u soo jeediyay inay u kacaan nidaamkan, ayna gacan ka geystaan hirgelintiisa, isagoo dhanka kale ugu baaqay dawladda inay sameyso arrimaha hortabinta u leh ka dhabeynta dilmuquraadiyeynta Puntland, ayna talagaliso dadka aqoonta u leh hannaankan.

    https://www.facebook.com/Puntlandstatetv/videos/668768281248229
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    March 25, 2026

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    March 25, 2026

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.