Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Xayiraad lagu soo rogay Shabakad Alshabaab u Adeegta
    Somalia

    Xayiraad lagu soo rogay Shabakad Alshabaab u Adeegta

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 17, 2022Updated:October 17, 2022No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda Mareykanka ayaa maanta shaaca ka qaaday shabakad Al-Shabaab u qaabilsan fududeynta dhaqaalaha iyo hubka oo xayiraado lagu soo rogay.

    Waaxda Maaliyadda Mareykanka ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in shabakaddan ay qaabislan tahay soo iibinta hubka, fududaynta dhaqaalaha, iyo qorista askarta ee koxoda Al-Shabaab.

    Kaaliyaha xoghayaha Maaliyadda Mareykanka ee arrimaha argagaxisada iyo sirdoonka maaliyadda, Brian Nelson ayaa yiri “Waaxda Maaliyadda waxay diiradda saareysaa aqoonsiga iyo carqaladaynta shabakadaha sharci darrada ah ee Al-Shabaab ee ka hawlgala Bariga Afrika.”

    “Waan sii wadi doonnaa inaan qaadno tallaabo ka dhan ah soo-gelinta hubka sharci-darrada ah iyo dhaq-dhaqaaqyada dhaqaale uruurinta ee Al-Shabaab iyo kuwa kale ee xiriirka la leh al-Qaacida,” ayuu yiri.

    Waaxda Maaliyadda ayaa sheegtay in Al-Shabaab ay maal-geliso dadaallada al-Qaacida ee caalamka iyo kooxaha kale ee xiriirka la leh Al-Qaacida. Waxay intaas ku dartay in Al-Shabaab ay sanadkii soo xareyo dakhli dhan 100 milyan oo dollar oo ay ka hesho ilo-dhaqaale oo kala duwan.

    Shaqsiyaadka xayiraadaha lagu soo rogay ayaa kala ah:

    ABDULLAHI JEERI: Abdullahi Jeeri (Jeeri) waa madaxa Al-Shabaab ee keenista hubka, isaga oo kooxda hub uga soo iibiya gudaha dalka iyo dibedda, gaar ahaan dalka Yemen.

    Wuxuu sidoo kale isku xiraa Al-Shabaab iyo ganacsiyada gudaha Soomaaliya, wuxuuna soo ururiyaa canshuurta ay kooxda soo rogto.

    KHALIF ADALE: Khalif Adale (Adale) waxa uu Al-Shabaab u qaabilsan yahay lacag kasoo ururinta ururada aan dowliga aheyn NGOs, wuxuuna si toos ah ugu warramaa amiirka kooxda Axmed Diiriye.

    HASSAN AFGOOYE: Mareykanka ayaa $5 milyan dul dhigay madaxa Afgooye, taasi oo la siinayo cid kasta oo keenta akhbaar ku saabsan Hassan Afgooye oo ah hoggaamiye muhiim ah oo ka tirsan Al-Shabaab.

    Afgooye waxa uu maamulaa shabakad maaliyadeed oo qaabilsan soo ururinta sadaqada beenta ah, baadda, iyo afduubka. Wuxuu horey usoo noqday madaxa Waaxda Maaliyadda Al-Shabaab.

    ABDIKARIM HUSSEIN GAGAALE: Abdikarim Hussein Gagaale (Gagaale) waxa uu ahaan jiray ku-xigeenka madaxa Maaliyadda ee Al-Shabaab markii uu xukumayey Mahad Karate.

    ABDI SAMAD: Abdi Samad (Samad) wuxuu ku dhow yahay Golaha Hoggaanka Sare ee Kooxda, wuxuuna howl daba-gal iyo cilmi-baaris ah u sameeyey kooxda Al-Shabaab.

    ABDIRAHMAN NUREY: Abdirahman Nurey (Nurey) wuxuu Al-Shabaab u qaabilsan yahay isku xirka kooxda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay ee Soomaaliya, wuxuuna kala wareejiyaa lacagta kooxda ee ay soo ururiso oo uu ku wareejiyo madaxda sare.

    Waaxda Maaliyadda ayaa sidoo kale xayiraado kusoo rogtay shaqsiyaadka Al-Shabaab u qaabilsan soo iibinta hubka kuwaas oo kala ah: Mohamed Hussein Salad (Salad), Ahmed Hasan Ali Sulaiman Mataan (Mataan), iyo Mohamed Ali Badaas (Badaas).

    Xayiraadda Waaxda Maaliyadda ayaa macnaheedu yahay in laga billaabo maanta la xanibay dhammaan hantida shaqsiyaadkan iyo wax kasta oo ay leeyihiin oo yaalla Mareykanka ama ay gacanta ku hayaan shaqsiyaad Mareykan ah.

    Waxaa intaas dheer, in la mamnuucay in lala macaamilo shaqsiyaadkaas ama wax xiriir ganacsi ah lala sameeyo.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.