Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Turkigu ma noqon karaa Xarunta Gaaska Dabiiciga ah Ee Ruushka?
    Somalia

    Turkigu ma noqon karaa Xarunta Gaaska Dabiiciga ah Ee Ruushka?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 21, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan,ayaa saxiixay qorshaha Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ee uu ku doonayo in Turkigu uu xarun u noqdo Gaaska dabiiciga ah ee Ruushka.

    Sidoi kale Erdogan,waxuu sheegay in Turkigu uu sugayey fursaddan muhiimka u ah.

    “Wadamada Yurub waxay hadda raadinayaan meel ay ka helaan sahayda gaaska dabiiciga ah,balse Ilaah mahadii Turkiga kama jirto dhibatadaas oo kale,waxaan rajeyneynaa, inaan dhowaan noqon doono xarun gaaska dabiiciga ah qaybisa.”Ayuu yiri Erdogan.

    Toddobaadkii hore madaxweyne Putin ayaa sheegay in gaaska dabiiciga ah loo wareejin doono dalka Turkiga lagana bedeli doono dhuumaha shidaalka ee Nord Stream ee dhex mara biyaha badda Baltic ee u dhaxaysa dalalka Yurub iyo Ruushka, kuwaas oo dhowaan ay waxyeelleeyeen qaraxyo loo geystay.

    Ruushka ayaa hore gaaska u siin jiray dalka Turkiga, isaga oo u sii marin jiray dhuumaha shidaalka ee lagu magcaabo TurkSteam, kuwaas oo hoos mara biyaha badda Madow.

    Su’aalaha iswaydiinta mudan,waxa ay yihiin…

    Yaa kale oo iibsanaya gaaskaas,haddii reer Yurub ay diidaan in ay iibsadaan gaaska Ruushka ?.

    Yuu Turkigu xarun Gaaska Dabiiciga ah u noqon doonaa oo Gaas ka iibsanaysa?

    Yaa noqon doona meesha uu u Aadi doono ay gaaska Putin iyo Erdogan ku heshiiyeen ?

    Waa su’aalaha aan jawaabta loo hayn ee fahamkoodu Dadku la yaaban yihiin.

    “Marka uu Ruushku awoodo inuu dalka Turkiga soo gaarsiiyo gaaska lagu heshiiyey, in ay suuro gal tahay in xilligaas ay Yurub ay heshay meel kale oo ay ka heli karto gaaska ay u baahnayd”Ayuu yiri Dusgit oo ah Macallin Jaamacadeed.

    Kremlinka Ruushka,ayaa qiran in dhuumaha shidaal ee isku xira Ruushka iyo Turkiga aanay lahayn awood ay ku qaadaan Gaas dheeriya oo ka badan qiyaastii Turkiga loogu talagalay.

    Jibril Qoobey.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    December 20, 2025

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    December 19, 2025

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    December 17, 2025
    Latest Posts

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    African Development Fund approves $23 million to boost clean energy access in Bosaso, Somalia

    Maxaa looga xaajoonayaa kulanka Kismaayo?

    Madaxweyne Deni iyo wefti uu hogaaminayo oo gaaray Kismaayo

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.