Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Shiinuhu ma waxuu tartan xoog badan kula jiraa Maraykanka?
    Somalia

    Shiinuhu ma waxuu tartan xoog badan kula jiraa Maraykanka?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 29, 2022Updated:October 29, 2022No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Sida lagu sheegay Qorshaha Difaaca Qaranka ee Maraykanka oo dhowaan la sii daayey, dalka Shiinaha ayaa ah caqabadda ugu sarraysa ee danaha amniga qaranka ee Maraykanka, halka Ruushka lagu tilmaamay in xaaladdiisu ay tahay mid “ba’an”, maadaama uu sii wado dagaalka “axmaqnimada” ah ee uu ka wado dalka Ukraine.

    “Jamhuuriyadda dadka ee Shiinuhu waa dalka keliya ee tartan xooggan kula jira Maraykanka, marka la eego hindisaha ah, in dib loo qaabeeyo nidaamka caalamiga ah, iyo iyada oo ay sii kordhayso awoodda uu sidaas ku samayn karo”Ayuu yiri xoghayaha difaaca ee Maraykanku oo khamiistii weriyayaasha kula hadlay Pentagon-ka.

    Sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda difaaca ee Maraykanka oo warbaahinta la hadlay, hase ahaatee magaciisa qariyey, ayaa sheegay in awooda Shiinuhu ay sii kordhayso, isaga oo horumariyey nidaam uu kula tartami karo Maraykanka, marka la joogo dalalka caalamka, gaar ahaan dhinaca Milateriga, dhaqaalaha, farsamada casriga ah iyo diblomaasiyadda.

    Xoghayaha difaaca ee Maraykanka ayaa sheegay, in Maraykanku uu dib u casriyeeyey hannaankiisa dagaalka, gaar ahaan dhinaca hawada sare iyo dhinaca internetka, si loogu muujiyo cid kasta oo cadow ah, “dhibaatada uga iman karta haddii ay ku gardarroodaan Maraykanka ama xulafadiisa”

    Warbixinta Qorshaha Difaaca Qaranka ee Maraykanka oo ah mid la baahiyey, ayaa ku soo aadaysa xilli Maraykanka iyo Shiinuhu ay ku kala aragti duwan yihiin xaaladaha Taiwan. Shiinaha ayaa marar kala duwan ku hanjabay inuu xoog kula wareeji doono Taiwan haddii ay lagama maarmaan noqoto, sidoo kale Ruushka ayaa isagu weerar toosa ku qaaday Ukraine bishii February, isagoo si joogto ah u duqeynaya magaalooyinka dalkaas oo uu xataa u isticmaalay diyaaro ay samaysay Iran.

    Warbixinta istiraatijiyadda aan la kala saarin ayaa timid iyadoo Shiinaha iyo Ruushka labaduba ay sare u qaadeen gardarrada ka dhanka ah deriskooda. Shiinuhu wuxuu si isdaba joog ah ugu hanjabay inuu maamuli doono Taiwan, xoog haddii loo baahdo, Ruushka ayaa weeraray Ukraine bishii Febraayo wuxuuna sii wadaa inuu weeraro magaalooyinka iyo magaalooyinka Yukreeniyaan gantaalada iyo xitaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Kamikaze ee Iran.

    Nuqul sir ah oo ka mida warbixinta ayaa loo gudbiyey Congresska horraantii sannadkan.

    Sarkaale sare oo ka tirsan wasaaradda difaaca oo la hadlay weriyeyaasha ayaa sheegay in hubka Nukliyeerku uu sii ahaan doono “udub-dhexaadka” tallaabooyinka ay ciidamada milateriga ee Maraykanku ay u isticmaali doonaan cabsigelinta.

    Sida ku cad warbixintan, Maraykanka ayaa haatan waajahaya tartan uga imanaya laba quwadood oo ku hubaysan hubka nukliyeerka, oo kala ah Ruushka iyo Shiinaha.

    Xoghayaha difaaca ee Maraykanka ayaa sheegay in gardarrada uu Ruushku ka wado dalka Ukraine, inay abuurtay halis degdeg ah, wuxuuna sheegay in Maraykanku uu kor u qaaday ciidamadii ka joogay qaaradda Yurub, kuwaas oo hore u ahaa 80,000 halka uu haatan gaadhsiiyey 100,000.

    Istaraatiijiyada cusubi waxay ku baaqaysaa in horumarin ballaadhan lagu sameeyo laga bilaabo dhinaca teknoolojiyadda casriga ah illaa hubka kala duwan. Xoghayaha ayaa sheegay in miisaaniyad sannadeedka 2023 ay ku jirto lacag ka badan $130 bilyan oo dollar oo loogu talo galay in loo isticmaalo cilmi-baadhis iyo horumarin, tasoo noqonaysa lacagtii ugu badnayd ee abid uu Maraykanku u qorsheeyo dhinaca horumarinta iyo cilmi-baadhista.

    Halkan ka daawo muuqaalka.

    Xigasho:-VOA

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.