Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweynaha Fadaraalka oo kormeeray goobihii Qaraxyadu ka dhaceen Saq dhexe Xalay
    Somalia

    Madaxweynaha Fadaraalka oo kormeeray goobihii Qaraxyadu ka dhaceen Saq dhexe Xalay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 30, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Muqdisho, Oktoobar 30, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray isgooyska Soobbe ee magaalada Muqdisho si uu ugu kuur galo baaxadda dhibaatada xooggan ee ka dhalatay qaraxyadii arxan darrada ahaa ee argagixisada Khawaarijta Al-shabaab ay maanta ku gumaadeen muwaadiniinta birmu-geydada ah ee ku sugnaa goobtaas.

    Madaxweynaha oo ku suganaa burburka dhismaha Masaajid ku dumay qaraxyadan argagixiso ayaa tilmaamay in weerarkan bahalnimada ah uu sababay dhimashada tobonnaan qof oo ku tukanayey masaajidkan, taas oo ka mid ah dhacdooyinka naxdinta leh ee laga diiwaan geliyey.

    โ€œDadkeennaan la xasuuqay ee birmu geydada ah, waxaa ku jiray hooyooyin ilmahooda dhabta ku haysta, aabeyaal xaalad caafimaad u socday, arday waxbarasho loo soo diray, ganacsato la daalaa-dhacaysay nolosha qoysaskooda, macallimiin iyo dhakhaatiir u adeegayey dadkooda. Qofka intaas xasuuqay, maxay tahay qiilka uu u haysto, diinta uu daliishanayo iyo dadnimada uu sheegan karoโ€.

    Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa faray Xukuumadda in gurmad caafimaad oo deg deg ah ay u fidiso dadka dhaawacyadu ay soo gaareen, qaarka xaaladoodu ay culustahayna loo diyaariyo gargaar caafimaad, si degdeg ahna ay ugu shaqeyso isku duburidka gurmadka shacabka Soomaaliyeed ee ka murugeysan xaaladdan adag.

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay dhammaan dadka Soomaaliyeed in ay u istaagaan samata-bixinta dadkooda ku dhibaatoobay qaraxyadan argagixiso, loona midoobo sidii gurmad iyo daryeel ay u heli lahaayeen qoysaska, ubadka iyo waalidiinta ay inoo ka tageen muwaadiniinta ku shahiiday qaraxyadan murugada leh.

    Sidoo kale, Madaxweyne Sheekh Maxamuud oo dhiniciisa uu joogo Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa sheegay in dowladdu ay waxbarasho bilaash ah siineyso dhammaan ubadka Soomaaliyeed ee waalidiintooda ay ku shahiideen qaraxyada argagixisanimo ee ka dhacay dalka.

    Madaxweynaha ayaa Alle uga baryey dhammaan muwaadiniinta ku shahiiday qaraxyada argagixisanimo in uu fadhigooda ka yeello Jannatul Firdowsa, inta dhaawacyada ahna uu siiyo caafimaad degdeg ah.

    Halkan ka daawo muuqaalka

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.