Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Sawirro: XFS oo soo saartay Go’aano, kaddib Qaraxyadii shaley
    Somalia

    Sawirro: XFS oo soo saartay Go’aano, kaddib Qaraxyadii shaley

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 30, 2022No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa caawa shir guddoomiyay shir Golaha Wasiirrada oo degdeg ah oo looga hadlayey gurmadka dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadii ay shaley magaalada Muqdisho ka geysteen kooxaha Khawaariijta ee magaca diinta Islaamka ku qaraabanaya. Waxaana ka soo baxay qodobaddan soo socda.

    1. Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay lacag dhan hal million oo dollar ku deeqday sanduuqa gurmadka wax loogu qabanayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxyada waxashnimada ah ee argagixisada khawaarijtu ku beegsadeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan.
    2. Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay kafaala qaadeysaa daweynta iyo daryeelka dadka ku dhaawacmey qaraxyadii shaley ee KM5.
    3. Waxaa kale oo Goluhu isku raacay in la kafaala qaado waxabarashada carruurta ay ka tageen shuhaddadii ku nafweysay qaraxyadii shaley, iyadoo laga ambaqaadayo balanqaadkii uu jeediyay Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud markii uu booqday goobta uu qaraxa ka dhacay.
    4. Waxaa xukuumadda ay fareysaa Wasaaradda Waxbarashada iyo Hiddaha in muddo saddex maalmood ah la fasaxo goobaha waxbarashada si ay waqti ugu helaan ardeyda sii wadista hawlaha gurmadka socda ee loogu gargaarayo dhibbaneyaasha weeraradii dhacay.
    5. Waxaa dhammaan Wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dowladda la farayaa inay si buuxda uga qeyb qaataan gurmadka socda.
    6. Waxaa Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay ku dhawaaqeysaa qaadista talaabooyin cad cad oo amniga lagu sugayo, lana sameynayo isbeddelo degdeg ah oo la jaanqaadaya xaaladda dalka ka jirta.
    7. Waxaa uu Golaha Wasiirrada si xushmada leh uu shacabka Soomaaliyeed uga codsanayaa inay yeeshaan feejignaan dheeri ah, samir, dulqaad iyo adkeysi inta lagu guda jiro hawlgalka lagu ciribtirayo cadowga khawaarijta oo dhammaan goobihii ay isku fara saareen Ciidammadda Qaranka iyo shacabka taageeraya looga adkaadey, sidaa darteedna ay iyagoo naf la caari ah isku dayayaan inay beegsadaan shacabka masaakiinta ah.
    8. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale balanqaadeysaa in Khawaarijta dalka laga cirib tirayo, isla markaana ay Ciidammada Qalabka Sida sii wadi doonaan gulufka guulaha badan laga gaarey, kaas oo khawaarijta lagu gaarsiiyay khasaare ballaaran.
    9. Waxaa kale oo uu Golaha Wasiirrada isku afgartey in In dib loo yagleelo Bankiga Kaydka Dhiigga ee heer qaran si sare loogu qaado adeegga caafimaadka ee shacabka Soomaaliyeed.

    Goluhu wuxuu mar kale tacsi u diray qoysaska, ehelada iyo shacabka Soomaaliyeed ee ay ka baxeen shuhaddadii shaley ku naf waayey weerarada waxashnimada ee naf lacaariga khawaarijta ku qaadeen goobaha rayidka, iyadoo dhinaca kalena mahad celin loo jeediyay dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada ee isku xilqaamey gurmadka qaraxyadii ka dhacay KM 5.

    Shirkaan aan caadiga ahayn ayaa Goluhu waxaa kale oo uu ku dhegeystay warbixino ay soo jeediyeen Taliyeyaasha ciidamada Xoogga dalka, Booliiska, Nabadsugidda iyo Guddiga Gaarka ah ee Golaha Wasiirrada ee Ra’iisul Wasaaruhu u magaacabay Gurmadka Qaraxyadii dhacay shaley, madaxda laamaha amniga iyo Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Deni oo Dhagax-dhigay Wadada Galkacyo-Xarfo

    July 3, 2025

    Wasaarada Difaaca Ugandha oo ka hadashay Shilka Diyaaradeed

    July 2, 2025

    Goorma,ayaa la bilaabayaa dhismaha Wadada Galkacyo-Xarfo?

    July 1, 2025
    Latest Posts

    Madaxweyne Deni oo Dhagax-dhigay Wadada Galkacyo-Xarfo

    Wasaarada Difaaca Ugandha oo ka hadashay Shilka Diyaaradeed

    Goorma,ayaa la bilaabayaa dhismaha Wadada Galkacyo-Xarfo?

    Sidee u aragtaa BC PL oo noqota Dowlad gaar ah ?

    Wararkii ugu danbeeyay Dabka ka kacay Buuraha Ceerigaabo

    Garowe oo si weyn looga xusay Sanadguurada Xoriyada

    Eretereya oo Tobanaan Kun oo Askari utababaraysa Sudan

    TikTok oo ay ubadan tahay in ay iibsadaan Ganacsato Maraykan ah

    Qatar oo bahdishay Madaxweynaha Somaliland

    Puntland:-Shirweynaha maamul-baahinta Dowladda Puntland oo furmay

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.