Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maraykanka oo cunaqabatayn saaray Xubno Daacishta Somaliya ka tirsan
    Somalia

    Maraykanka oo cunaqabatayn saaray Xubno Daacishta Somaliya ka tirsan

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 1, 2022Updated:November 1, 2022No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasaaradda Lacagta ee dalkan Maraykanka ayaa cunaqabatayn saartay xubno ka tirsan ururka Daacish ee Soomaaliya oo lagu eedeeyey inay ku lug leeyihiin inay ku lug leeyihiin iibka hubka ee Bariga Afrika, sida ay qortay Wakaaladda Wararka ee Reuters.

    Maraykanka ayaa sannadkii 2018-da liiska ururrada argagixisada ku daray ururka Daacish ee Soomaaliya.

    Shaqsiyaadka cunaqabataynta la saaray waxaa ku jira Cabdirahman Maxamed Cumar, oo lagu eedeeyey inuu xubin ka yahay Daacishta Soomaaliya, iyo inuu yahay xubinta ugu firfircoon ee laga soo bilaabo 2020-kii hubka sharcidarada ah kasoo dejiya Puntland, sida ay qortay Reuters.

    Waxaa sidoo kale cunaqabatayn la saaray Ciise Mohamoud Yusuf, oo lagu eedeeyey inuu hubka iyo saadka ufududeeyo Al-Shabaab, islamarkaana uu soo geliyo Puntland hub.

    Waxaa sidoo kale cunaqabatayn la saaray Cabdirahman Faahiye oo lagu sheegay inuu yahay Amiirka Daacish Soomaaliya, iyo Maxamed Axmed Qaxiye oo la sheegay inuu yahay madaxa Amniyaatka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Deni oo Dhagax-dhigay Wadada Galkacyo-Xarfo

    July 3, 2025

    Wasaarada Difaaca Ugandha oo ka hadashay Shilka Diyaaradeed

    July 2, 2025

    Goorma,ayaa la bilaabayaa dhismaha Wadada Galkacyo-Xarfo?

    July 1, 2025
    Latest Posts

    Madaxweyne Deni oo Dhagax-dhigay Wadada Galkacyo-Xarfo

    Wasaarada Difaaca Ugandha oo ka hadashay Shilka Diyaaradeed

    Goorma,ayaa la bilaabayaa dhismaha Wadada Galkacyo-Xarfo?

    Sidee u aragtaa BC PL oo noqota Dowlad gaar ah ?

    Wararkii ugu danbeeyay Dabka ka kacay Buuraha Ceerigaabo

    Garowe oo si weyn looga xusay Sanadguurada Xoriyada

    Eretereya oo Tobanaan Kun oo Askari utababaraysa Sudan

    TikTok oo ay ubadan tahay in ay iibsadaan Ganacsato Maraykan ah

    Qatar oo bahdishay Madaxweynaha Somaliland

    Puntland:-Shirweynaha maamul-baahinta Dowladda Puntland oo furmay

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.