Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Kalabar Shaqaalaha Twitter oo shaqada waayi doona
    Somalia

    Kalabar Shaqaalaha Twitter oo shaqada waayi doona

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 5, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Shirkadda Twitterka,ayaa si ku meel gaadh ah u xidhay xafiisyadeeda maalintii Jimcihii, iyada oo shaqaalaha loo sheegay inay heli doonaan fariin email ah oo loogu kala sheegayo inay shaqada sii wadan doonaan ama in shaqada laga fadhiisinayo.

    Tallaabadan ayaa daba socota,ka dib markii uu dhowaan shirkadda Twitter-ka iibsaday muulkiilaha cusub ee Elon Musk, iyada oo ay hubanti laโ€™aan badani soo foodsaartay, mustaqbalka shaqaalaha shirkadda.

    Maamulka cusub ee shirkadda Twitter iibsaday ayaa haatan bilaabay inay kala hufaan shaqaalaha shirkadda ee gaadhaya 7,500 oo shaqaale ah. Elon Musk oo ah qofka ugu taajirsan adduunka ayaa qorshaynaya inuu shaqada ka fadhiisiyo illaa 3,700 oo ka mida shaqaalaha shirkadda Twitterka, taas oo ah kala badh shaqaalweynaha.

    Shirkadda Twitterku kama jawaabin, fariin loo diray oo laga weydiiyey inay arrintan sharaxaad ka bixiso.

    Shaqaalaha shirkadda ayaa bilaabay inay isticmaalaan hashtag ay ku muujinayaan dareenkooda, kaas oo ay cinwaan uga dhigeen #OneTeam, fariimaha shaqaalaha waxaa ka jawaabay madaxa amniga iyo hufnaanka ee shirkadda Yoel Roth, isaga oo sheegay inuu furan yahay sanduuqiisa gaarka ah ee fariimaha sida tooska ah loogu diri karo, isagoo yidhi โ€œmaxaan idinka caawin karaaโ€

    Roth ayaa ah qofka ugu sarreeya ee illaa haatan taageerada u muujiyey shaqaalaha shirkadda ee shaqadooda waayaya. Waxaana weli muuqata inuu isagu xafiiska sii joogo. Toddobaadkii hore Elon Musk ayaa taageero u muujiyey Roth, isaga oo ku tilmaamay inuu yahay qof shakhsiyad nadiif ah leh.

    Shirkadda Twitterka ayaa si ku meel gaadh ah u xidhay xafiisyadeeda, iyada oo hawl-gab laga dhigay, aqoonsiyadii lagu soo gelayey dhismayaasha.

    Reuters

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.