Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Qatar uma qalanto in Koobka Adduunka lagu qabto
    Somalia

    Qatar uma qalanto in Koobka Adduunka lagu qabto

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 9, 2022Updated:November 9, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Sepp Blatter, oo ahaa Guddoomiyihi hore ee FIFA markii Qadar la guddoonsiiyay xuquuqda martigelinta Koobka Adduunka 2022 sanadkii 2010, ayaa u sheegay wargeyska Swiss Tages Anzeiger “in si khalad ah Qadar loogu amaal mariyay koobkan, isagoo raaciyay in “Doorashaadsi aheyd mid aan habbooneyn”

    Go’aanka Qatar,ayaa tan iyo markii ugu horeysay ee lagu dhawaaqay waxaa hareeyay khilaafyo ay ka mid yihiin musuq maasuq iyo ku xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

    Blatter oo FIFA hogaaminayay muddo 17-sano ah ayaa sidoo kale lagu eedeeyay musuq maasuq intii uu xilka hayay. Waxaase lagu waayay wax isdabamarin ah maxkamad ku taal Switzerland bishii June. laakiin dacwad oogayaasha ayaa racfaan ka qaatay xukunka.

    “Waa wadan aad u yar” ayuu yiri Blatter oo ka hadlayay Qatar oo ah dalkii ugu horeeyay ee Bariga Dhexe ku yaal ee martigeliyay tartanka, “Kubadda Cagta iyo Koobka Adduunka ayaa ah mid aad u weyn”. ayuu raaciyay.

    Waxa uu sheegay in 2012 FIFA ay dib u eegis ku samaysay shuruudihii ay kusoo xuli jirtay wadamada marti-galinaya, iyada oo la eegayo walaaca laga qabo xaaladaha shaqada ee goobaha dhismaha ee xiriirka la leh ciyaaraha Qatar.

    Blatter ayaa sheegay in tartanka oo bilaabanaya wax ka yar laba todobaad uu ka daawan doono gurigiisa oo ku yaala Zurich.

    Reuters.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Kulamada Xasan iyo samata bixinta Yay ugu badisaa sii socoshadooda?

    July 3, 2025

    Kulankii Xasan iyo Golaha Samata bixinta oo fashilmay

    July 3, 2025

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Deni Ee Dhagaxdhigida Wadada

    July 3, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Kulamada Xasan iyo samata bixinta Yay ugu badisaa sii socoshadooda?

    Kulankii Xasan iyo Golaha Samata bixinta oo fashilmay

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Deni Ee Dhagaxdhigida Wadada

    Madaxweyne Deni oo Dhagax-dhigay Wadada Galkacyo-Xarfo

    Wasaarada Difaaca Ugandha oo ka hadashay Shilka Diyaaradeed

    Goorma,ayaa la bilaabayaa dhismaha Wadada Galkacyo-Xarfo?

    Sidee u aragtaa BC PL oo noqota Dowlad gaar ah ?

    Wararkii ugu danbeeyay Dabka ka kacay Buuraha Ceerigaabo

    Garowe oo si weyn looga xusay Sanadguurada Xoriyada

    Eretereya oo Tobanaan Kun oo Askari utababaraysa Sudan

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.