Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxay ka tiri mar Sadexaad guusheeda Ilhaan Cumar?
    Somalia

    Maxay ka tiri mar Sadexaad guusheeda Ilhaan Cumar?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 9, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ilhan Cumar,ayaa muujisay sida ay ugu faraxsan tahay in mar Saddexaad ay xilka ku guuleysato.

    “Aad iyo ayaan u faraxsanahay alxamdulilah waa guul kale oo ilaahey uu noo soo dhiciyay, waxaan rajeynayaa dadka kale ee walaalaheen ee tartamaya inay guuleystaan,”Ayay tiri Ilhaan.

    Ilhaan,ayaa dhanka kale rajo ka muujisay in xisbigeeda Dimuqraadiga uu ku soo bixi doono aqlabiyada labada aqal.

    “Waxaan filanaynaa in labada aqal ee aqalka hose iyo aqalka sare gacanta dimuqraadiga ay ku jiraan inshAllaah waan arki doonaa saacadaha soo socda meesha ay ku dhammaan doonto,” ayay intaa ku dartay.

    Ilhaan Cumar,ayaa farta ku fiiqday in haddii xisbigooda Dimuqraadiga uu ku guuleysto aqalbiyada labada aqal ay waxyaabo badan ka qaban doonaan arrimaha socdaalka iyo Guriyaha.

    “Waxyaabo badan ayaan (qaban doonaa) sida socdaalka ayaan rabnaa inaan isbadal ku sameyno, dadka sida ay ogyihiin 4 sano ee uu Trump joogay dhanka socdaalka dhaawac wayn ayuu gaarsiiyay dadkii rabay inay dad keensadaan, dadkii rabay in ay muwaadiniin noqdaan,” ayay tiri xildhibaan Ilhaan Cumar.

    Xildhibaan Ilhaan Cumar,ayaa xustay in Labadii Sano ee la soo dhaafay ay Xisbiga Dimuqraadiga ku adkeyd in ay meel mariyaan isbadaladii loo baahnaa.

    “Labadii sano ee la soo dhaafay waxaan ka shaqeynaynay inaan isbaddel ku sameyno laakiin waxyaabo badan aya nagu adkaa sababtoo ah aqalka hoose 3-Qof ayaan ku sareynay Aqalka sarana aqlabiyad fiican ma aanan haysan marka insha allah haddii lambarada sida aan rabno ay noqdaan waxyaabo badan ayaan u soo dhicin karna dadka aan matalno,” Ayay tiri Ilhaan Cumar.

    Ilhaan,ayaa dhanka kale bogaadisay Somalida ku dhaqan Gobolka Minnesota iyo sida ay u garab istaageen xisbiga Dimuqraadiga.

    “Waxaan rabaa maanta Minnesota doorashada ka dhacday in tusaale ay u noqto walaalaheen Somalida qaarkood oo mar ka hadlayay in Jamhuuriga loo codeeyo, dadkaan ma aha dad anaga wax noo tari karo ama aan ku tashan karno aad ayaan ugu mahadcelinayaa Somalida aqliga laheyd oo si geesinnimo leh u aamintay inaan nahay dad la garab istaagi karo anagana na garab istaagay,”Ayay tiri xildhiaban Ilhaan.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    December 20, 2025

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    December 19, 2025

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    December 17, 2025
    Latest Posts

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    African Development Fund approves $23 million to boost clean energy access in Bosaso, Somalia

    Maxaa looga xaajoonayaa kulanka Kismaayo?

    Madaxweyne Deni iyo wefti uu hogaaminayo oo gaaray Kismaayo

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.