Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ruushka oo kala baxay Ciidamadiisa Magaalo muhiim ah oo Ukrain ah
    Somalia

    Ruushka oo kala baxay Ciidamadiisa Magaalo muhiim ah oo Ukrain ah

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 10, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Moscow,ayaa amar ku bixisay in ciidamadeedu ka baxaan meel u dhow magaalada istaraatiijiga ah ee koofurta Ukraine ee Kherson, taasoo ku timid guuldarro soo gaartay, iyadoo Jeneraalka ugu sarreeya ciidamada Mareykanka uu ku qiyaasay in khasaaraha Ruushka ee dhimasho iyo dhaawac uu ka badan yahay 100,000 oo tan iyo markii uu deriskooda weeraray bishii Febraayo.

    Wasiirka difaaca Sergei Shoigu ayaa Arbacadii ku dhawaaqay in ciidamada Ruushku ay ka baxayaan daanta galbeed ee wabiga Dnipro ee u dhow Kherson taas oo noqon karta goob dagaal.

    Ukraine ayaa si taxadar leh uga jawaabtay ka bixitaanka ciidanka Ruushka, iyadoo xustay in qaar ka mid ah ciidamada Ruushka ay ku hareen Kherson, isla markaana gurmad loo dirayo gobolka.

    “Waa ay ka baxayaan laakiin maaha ilaa xadka ay taasi dhici lahayd haddii ay tahay gebi ahaanba ka bixitaan ama dib u gurasho,” ayuu yiri Oleksiy Arestovych, oo ah la taliyaha madaxweyne Volodymyr Zelenskiy.

    “Ciidamada Ruushka ayaa burburinayay buundooyinka markii ay baxayeen, waxaana ay qodayeen waddooyinka” ayuu yiri Arestovych.

    Jeneraalka ugu sarreeya ciidamada Mareykanka General Mark Milley ayaa Arbacadii ku qiyaasay in militariga Ruushka ay soo gaareen in ka badan 100,000 oo askartooda ah oo la dilay ama la dhaawacay, waxaana uu intaa ku daray in ciidamada qalabka sida ee Kyiv “ay u badan tahay” inay soo gaareen khasaare la mid ah heerkaas.

    Ilaa 40,000 oo rayid ah oo Ukraine ah ayaa sidoo kale laga yaabaa in la dilay, sida uu sheegay General Mark Milley.

    Qiyaasaha si madax-banaan uma xaqiijin tiradan wakaaladda wararka ee Reuters oo qortay warkan.

    General Mark Milley, oo la hadlayay Naadiga Dhaqaalaha ee New York, ma uusan sheegin sida uu u xisaabiyay qiyaasahaas.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    December 20, 2025

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    December 19, 2025

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    December 17, 2025
    Latest Posts

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    African Development Fund approves $23 million to boost clean energy access in Bosaso, Somalia

    Maxaa looga xaajoonayaa kulanka Kismaayo?

    Madaxweyne Deni iyo wefti uu hogaaminayo oo gaaray Kismaayo

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.