Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Shirkada Meta Oo cayrinaysa Shaqaale kor udhaafaya 10-kun
    Somalia

    Shirkada Meta Oo cayrinaysa Shaqaale kor udhaafaya 10-kun

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 10, 2022No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Meta, oo iska leh Facebook, Instagram iyo WhatsApp, ayaa ku dhawaaqday inay dhimayso 13% shaqaalaheeda.

    Shaqo ka eryiddaan oo ah tii ugu horreysay ee taariikhda shirkadda ayaa keeni doont in 11,000 oo shaqaale ah, oo ka soo jeeda tirada guud ee adduunka oo dhan 87,000, ay waayaan shaqooyinkoodii.

    Madaxa fulinta ee Meta ayaa mar uu ka hadlayay shaqaale dhimistan waxaa uu yiri ” waa isbeddelkii ugu adkaa ee aan sameynay taariikhda Meta”.

    Arrintaan ayaa daba socota, tallaabooyin shaqo joojin ah oo waaweyn oo ka dhacay shirkadda Twitter-ka, iyadoo shaqada laga eryay kala bar shaqaalaheeda, iyo shirkadaha kale eoo dhanka teknolojiyadda ah .

    Waan ogahay in tani ay ku adag tahay qof walba, waxaanan si gaar ah uga xumahay kuwa ay saamaysay,” ayuu ku qoray bayaanka uu soo saaray Mark Zuckerberg .

    Mr Zuckerberg ayaa arrimahaan u sababeeyay mustaqbalka fog ee ku saleysan kobaca iyo kororkii dakhliga ee shirkadda intii lagu jiray cudurka faafa ee corona.

    Wuxuu intaa ku daray “hoos u dhac dhaqaale” iyo “tartanka oo kordhay” ayaa sababay in dakhligu aad uga hooseeyo sidii la filayay.”

    “Arrintaan waan ku khaldamay, mas’uuliyaddeedana anigaa qaadaya,” ayuu yiri.Ku dhawaaqistan shaqo dhimista ayaa ah mid si weyn loo filayay.

    Mr Zuckerberg ayaa u sheegay boqolaal ka mid ah madaxda Meta qorshahaan Talaadadii, sida u uku warramay Wall Street Journal.

    Mr Zuckerberg ayaa sheegay in shirkadu ay diiradda saari doonto dhinacyada kobaca mudnaanta sare leh, sida sirdoonka xayaysiinta, iyo “aragtidayada fog ee wax-soo-saarka”.

    Meta waxay sidoo kale dhimi doontaa kharashaadka meelo kale – oo ay ku jirto dhimista kharashkeeda dhismayaasha iyo xafiisyada.

    Shaqaalaha Meta ee arrintaan ay saamaysay waxay heli doonaan Emaillo dhawaan, sida uu sheegay Mr Zuckerberg , waxayna sidoo kale heli doonaan fursad ay su’aalo ku waydiiyaan.

    Shaqaalaha Maraykanku waxay heli doonaan lacag-xaq ah, iyo caymiska caafimaadka qoyska muddo lix bilood ah.

    Taageerada ka baxsan Mareykanka waxay ahaan doontaa mid la mid ah tan, laakiin waxaa jiri doona nidaam shaqo dhimis gaar ah iyadoo la tixgelinayo sharciyada shaqada ee maxalliga ah.

    UK iyo Ireland

    Meta xarunteeda Yurub waxay ku taalla magaalada Dublin, halkaas oo sida laga soo xigtay warbixinnada maxalliga ah ay si toos ah uga shaqeeyaan 3,000 oo qof iyo qandaraasleyaal kale oo badan.

    Xog la helay ayaa sheegaysa in shirkadda Meta ay 5,000 qof ka shaqaaleysiiyay UK bishii December ee sanadkii 2021.

    Laakiin Meta ayaa ilaa hadda diiday inay shaaciso tirada shaqaale dhimista ah ee ay ku samayn doonto labadan dal.

    Kevin Poulter, oo ah qareen ka tirsan shirkadda Freeths, ayaa sheegay inay muhiim tahay Meta inay raacdo hannaanka sharciyada UK ee shaqo joojinta.

    Waxa uu BBC-da u sheegay in kalsoonida lagu qabo suuqa shaqada ee tignoolajiyada iyo fursadda ay si xor ah oo fudud ugu dhex mari karaan shirkadaha.

    Waxa uu ka digay in “haddii hormoodka shirkadaha ah ee Twitter iyo Meta ay hadda ay sameeyaan arrimahaan oo mustaqbalka aaney si taxadar leh uga fiirsan , kuwa kalana ay u badan tahay inay raacaan wadadaas”.

    Hoos-u-dhac ballaaran

    Qorshayaasha shaqo dhimista ah ayaa daba socda dhibaatooyinka guud ee soo wajahay shirkadaha tignoolajiyada iyadoo sidoo kale warshaduhu ay la tacaalayaan hoos u dhaca kobaca dhaqaalaha adduunka.

    Shirkadaha Silicon Valley Stripe iyo Lyft ayaa dhawaan ku dhawaaqay shaqo joojin ballaaran, halka Amazon ay sheegtay inay joojin doonto shaqaalaysiinta xafiisyadeeda.

    Inta badan dakhliga Meta ee $27.7 bilyan, ah wuxuu ka yimaadaa xayaysiinta, laakiin xaaladaha dhaqaale ee adag shirkado badan ayaa jaraya miisaaniyada xayeysiinta.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.