Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Halkee marayaan wada xaajoodka Tigreega iyo Dowlada Abiy?
    Somalia

    Halkee marayaan wada xaajoodka Tigreega iyo Dowlada Abiy?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 11, 2022Updated:November 11, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wareegii ugu dambeeyay ee wadahadalada nabadeed ee u dhaxeeyay dowladda Itoobiya iyo wakiillada gobolka Tigray ayaa wakhti dheeri ah lagu daray, iyadoo taliyayaasha ciidamada ay ka shaqeynayaan tafaasiil ku saabsan hub ka dhigista ciidamada Tigrayga kadib laba sano oo colaad ah.

    Sarkaal la socda wadahadalladan oo codsaday in aan la magacaabin maadaama aan loo oggoleyn inuu ka hadlo arrinkan, ayaa xaqiijiyay wakhtiga dheeriga ah ee lagu daray socoshada shirkan Khamiistii.

    Wadahadalladii Isniintii ka furmay Kenya ayaa lagu waday in la soo afjaro Arbacadii.

    Wadahadallada uu hoggaaminayo Midowga Afrika ayaa daba socda saxiixii todobaadkii hore ee “xabbad-joogtinta rasmiga ah” ee colaadda oo lagu qiyaasay inay ku dhinteen boqollaal kun oo qof.

    Heshiisku wuxuu dhigayaa in ciidamada Tigray-ga hubka laga dhigo toddobaadyo gudahood, balse waxaa jira walaac laga qabo marka dagaalyahannada kale ee aan heshiiskan qaybta ka ahayn ay ka baxaan Tigrayga.

    Waxaa ka mid ah ciidamo ka socda Eritrea oo deris la ah gobolka iyo kuwa kale oo ka socda gobolka Amxaarada ee Itoobiya.

    Qodobada kale ee looga hadlay wareeggaan waxaa ka mid ah dib u soo celinta adeegyada aasaasiga ah sida internetka, isgaarsiinta iyo bangiyada gobolka ay ku nool yihiin in ka badan 5 milyan oo qof, iyo sidoo kale dib u soo celinta gaarsiinta gargaarka bini’aadantinimo.

    Hormuudka wadaxaajoodka dhinaca dowladda Itoobiya, Redwan Hussein, ayaa sheegay in “laga yaabo in dhamaadka toddobaadkan ama bartamaha toddobaadka soo socda” in gargaarka bini’aadantinimo loo ogolaan doono in uu galo Tigray.

    AP.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    December 20, 2025

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    December 19, 2025

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    December 17, 2025
    Latest Posts

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    African Development Fund approves $23 million to boost clean energy access in Bosaso, Somalia

    Maxaa looga xaajoonayaa kulanka Kismaayo?

    Madaxweyne Deni iyo wefti uu hogaaminayo oo gaaray Kismaayo

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.