Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Muxuu yahay heshiiska Srael iyo Qatar Ee FIFA kasoo shaqaysay?
    Somalia

    Muxuu yahay heshiiska Srael iyo Qatar Ee FIFA kasoo shaqaysay?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 11, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda Qatar ay oggolaatay in duulimaadyo toos ah gaar ah uga imaan karaan Israel, kuwaas oo u furnaan doona taageerayaasha Israel iyo Falastiiniyiinta oo u imaanaya Koobka Adduunka, sida ayuu sheegay xiriirka K/cagta Adduunka ee FIFA Khamiistii.

    Laakiin heshiiska,ayaa bixiyay faahfaahin yar oo ku saabsan sidii ay hal diyaar ugu safri lahaayeen Falastiiniyiinta iyo Israa’iiliyiinta oo tobannaan sano dagaal ka dhexeeyay, kuwaas oo hadda uga safraya koobkii ugu horreeyay ee lagu qabto dal Carbeed.

    “Ku dhawaaqidda taariikhiga ah ee maanta ayaa bixisay gogol lagu hagaajinayo xiriirka bariga dhexe oo dhan,” ayuu yiri Gianni Infantino, guddoomiyaya xiriirka K/cagta ee FIFA.

    “Heshiiskan, Israa’iil iyo Falastiin waxay awood u yeelan doonaan inay si wadajir ah u duulaan oo ay ku wada raaxaystaan kubadda.” ayuu raaciyay Infantino.

    Bayaan kasoo baxay FIFA ayaa lagu sheegay in duulimaadyadu ay ku xirnaan doonaan “shuruudaha ammaanka ee Israel iyo awoodahooda shaqo” waxaana hadallada kasoo baxay Israa’iil iyo Qatar oo aan xiriir diblomaasiyadeed ka dhexayn ay caddeeyeen kala qaybsanaantooda.

    Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Yair Lapid oo xilka ka degaya ayaa soo dhaweeyay heshiiskan isagoo aan soo hadal qaadin safarka Falastiiniyiinta ee tartanka oo billaabanaya 20-ka November.

    Sarkaal ka tirsan dowladda Qatar ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP: “Qatar waxay u gudbisay Israa’iiliyiinta in xaalad kasta oo kusoo korortay Quddus, Gaza, ama Daanta Galbeed inta lagu jiro waqtigan ay halis u tahay baabi’inta heshiiskan oo ay ku jiraan duullimaadyada tooska ah”.

    Ilo diblomaasiyadeed ayaa sheegay in inka badan 10,000 oo taageereyaal Falastiiniyiin ah iyo Israa’iiliyiin ah ay heleen tikidhada tartankan oo socon doona 29 maalmood.

    Sida ku cad heshiiska martigelinta Koobka Adduunka, Qatar ma diidi karto taageereyaal ka socda waddan kasta.

    Ilaha diblamaasiyadeed ayaa sheegay inay ku qaadatay FIFA bilo “gorgortan adag ah” si ay u dhex-dhexaadiso heshiiska u oggolaanaya duulimaad toos ah oo ka imaanaya garoonka diyaaradaha Israa’il ee Ben Gurion.

    AFP.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    December 20, 2025

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    December 19, 2025

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    December 17, 2025
    Latest Posts

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    African Development Fund approves $23 million to boost clean energy access in Bosaso, Somalia

    Maxaa looga xaajoonayaa kulanka Kismaayo?

    Madaxweyne Deni iyo wefti uu hogaaminayo oo gaaray Kismaayo

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.