Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Hay’ada socdaalka iyo Jinsiyadaha Fadaraalka Oo xarun cusub loo dhisay
    Somalia

    Hay’ada socdaalka iyo Jinsiyadaha Fadaraalka Oo xarun cusub loo dhisay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 13, 2022No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo xarigga ka jaray dhismaha cusub ee xarunta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Somaliyed ayaa tilmaamay in hey’adda socdaalka iyo jinsiyadda ay tahay wajiga qaranka.

    Dhismaha xaruntan oo si wanaagsan loo qalabeeyay,ayaa qeyb ka qaadaneysa hufnaanta iyo gudashada waajibaadka shaqo ee bixinta adeegyada muhiimka u ah qaranka, waxaana Ra’iisul Wassaaruhu uu kormeer ku sameeyay qeybaha ay ka koobantahay xaruntaan cusub, waxuuna mahad celiyay dowladaha Denmark, Norway, UK iyo Finland oo dowladda ka taageeray dhismaha xaruntaan.

    Xamse Cabdi Barre,ayaa tilmaamay in tallaabada lagu dhisay xaruntaan ay muujinayso dardarta ay ku socdo horumarka hey’addan iyo xoojinta adeegyada aasaasiga ah ee shacabka.

    Ra’iisul Wasaare Xamse oo ku boggaadiyey guud ahaan shaqaalaha hay’adda howsha wanaagsan ee ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed ayaa kula dardaarmay Maamulka iyo howlwadeennada Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Somaliyed in ay ilaaliyaan shuruucda iyo hufnaanta shaqo ee muwaadiniinta ay adeegyada siinayaan, sii horumariyaan hannaanka shaqo oo muhiim u ah kobcinta dhaqaalaha iyo sugidda amniga.

    Munaasabadda xariga looga jarayay xarunta cusub ee xarunta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Somaliyed,ayaa waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiin ka tirsan labada Gole ee Dowladda, agaasimyaashii hore ee hey’adda iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    December 20, 2025

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    December 19, 2025

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    December 17, 2025
    Latest Posts

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    African Development Fund approves $23 million to boost clean energy access in Bosaso, Somalia

    Maxaa looga xaajoonayaa kulanka Kismaayo?

    Madaxweyne Deni iyo wefti uu hogaaminayo oo gaaray Kismaayo

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.