Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Gudoomiyaha Baarlamaanka PL oo ka qaybgalay furitaanka kal-fadhiga Labada Aqal Ee Fadaraalka
    Somalia

    Gudoomiyaha Baarlamaanka PL oo ka qaybgalay furitaanka kal-fadhiga Labada Aqal Ee Fadaraalka

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 15, 2022No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Muqdisho: November,15,2022: Gudoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirishiid Yuusuf Jibriil Cawl & wefti uu hoggaaminayo ayaa maanta ka qayb-galay munaasabadda furitaanka Baarlamaanka Soomaaliya labadiisa aqal.

    Madaxweynaha DFS, Mudane Xassan Shiikh Maxamuud ayaa si rasmi ah u daah furay kalfadhiga 2-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya labadiisa aqal, isagoo ka jeediyey khudbadiisa dastuuriga ah oo ku saabsan xaaladda guud ee Dalka, waxqabadka DFS, qorshaha xoreynta Wadanka iyo arrimaha kale ee hortabinta u leh Dawladda Soomaaliyeed.

    Guddoomiyeyaasha labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, Mudane Aadan Maxamed Nuur & Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa iyaguna khudbado ka jeediyey munaasabadda.

    Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirishiid Yuusuf Jibriil ayaa ka hadlay muhiimada ay leedahay iskaashiga hay’adda xeer dejinta iyo in si wadajir ah looga wadashaqeeyo dhameystirka Dastuurka dalka.

    Guddoomiye Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa dhanka kale, ku bogaadiyey Ra’iisul Wasaaraha & Madaxweynaha Qaranka qorshaha dib u xoreynta wadanka, isagoo ku baaqay in laga dhabeeyo, shacabka Soomaaliyeed-na ay garab istaagaan Ciidanka howlgalada wada.

    Sidoo kale, Munaasabadda waxaa ka qayb galay Raโ€™iisul Wasaaraha XFS, Guddoomiyaha Maxkamadda sare, Taliyayaasha, Ciidamada qalabka sida, Guddoomiyeyaasha Baarlamaanka Dowlad Goboleedyada iyo mari sharaf kale.

    DHAMMAAD
    Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.