Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maraykanka oo beri yeelay Maxamed Bin Salmaan Dilkii Wariye Khaashuqji
    Somalia

    Maraykanka oo beri yeelay Maxamed Bin Salmaan Dilkii Wariye Khaashuqji

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 18, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda Mareykanka,ayaa Khamiistii ku talisay in dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan uu ka reeban yahay in lagu furo dacwado sharci oo la xiriira dilkii 2018 ee weriye Jamaal Khaashuqji, sida ku cad warqado maxkamadeed.

    Maxamed bin Salmaan ayaa bishii September loo magacaabay ra’iisul wasaare, taasi oo dhalisay tuhuno ku saabsan inuu isku dayayo inuu ka baxsado dacwado looga furo maxkamado dibadeed – oo uu ku jiro kiis madani ah oo ay dalka Mareykanka ka furtay Hatice Cengiz, gacalisadii Jamaal Khaashuqji.

    Dilka Khaashuqji oo afar sano kahor ka dhacay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul ayaa Maxamed bin Salmaan si ku-meel gaar ah uga dhigay mid laga go’doomiyey dalalka Reer Galbeedka.

    Qareenadiisa ayaa horey ugu dooday “inuu halka ugu sarreysa ka joogo dowladda Sacuudiga,” sidaas darteedna uu haysto xasaanadda ay Maxkamadaha Mareykanka siiyaan madaxda dalalka ama saraakiisha haya xilalka sare.

    Dowladda Mareykanka ayaa haystay illaa Khamiistii shalay si ay u caddeyso fikirkeeda ku aadan arrintan. Talo soo-jeedinteeda ma ahan mid ay Maxkamadda ku qasban tahay.

    “Dowladda Maraykanka waxa ay si xushmad leh ugu wargelinaysaa Maxkamadda in eedaysane Maxamed Bin Salmaan, ra’iisal wasaaraha Boqortooyada Sacuudi Carabiya, uu yahay madaxa dawladda ee xilka haya, sidaas darteedna uu xasaanad ka haysto in dacwad lagu furo,” ayaa lagu yiri qoraalka uu maamulka Biden u gudbiyey Maxkamadda Federaalka ee degamada Washington DC.

    Hase yeeshee qoraalka ayaa intaas ku daray “Waaxda Arrimaha Dibedda wax aragti ah kama bixineyso sax ahaanshaha dacwadda, waxayna ku celineysaa cambaareynteeda aan gambashada lahayn ee dilkii foosha xumaa ee Jamaal Khaashuqji.”

    Talo soo-jeedinta ayaa ka caraysiisay Cengiz iyo qaar ka mid ah taageerayaasha dacwaddeeda, oo uu ku jiro ururka Dumuquraadiyada Dunida Carabta ee Hadda (DAWN), oo ah urur aan dowli aheyn oo uu aas-aasay Khaashuqji.

    “Jamaal mar kale ayuu maanta dhintay,” ayey twitter kusoo qortay Cengiz.

    “Ma ahayn go’aan qof kastaa filanayay, waxaan u maleynay in laga yaabo in uu iftiin caddaalad ah ka heli doono Mareykanka, laakiin mar labaad lacagta ayaa ka hormartay,” ayey tiri.

    “Hadda oo Biden uu ku dhawaaqay inuu haysto xasaanad buuxda, waxaan filan karnaa weerarrada Maxamed bin Salmaan ee ka dhanka ah shacabka inay sii kordhi doonaan.”

    Agnes Callamard, oo ah xoghayaha guud ee ururka xuquuqda aadanaha ee Amnesty International, ayaa go’aanka dowladda Mareykanka ku tilmaamtay “khiyaano qoto dheer.”

    AFP

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.