Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Wakiilka cusub Ee Midowga Afrika uga hawlgalaya Oo..
    Somalia

    Wakiilka cusub Ee Midowga Afrika uga hawlgalaya Oo..

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 20, 2022No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ergayga Gaarka ah ee Midowga Africa ee Somaliya, ahna madaxa howlgalka KMG ah ATMIS, Danjire Mohammed El-Amine Souef ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho ‘si uu ula wareego howlihiisa’, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay ATMIS.

    Danjire Mohammed El-Amine Souef oo u dhashay waddanka Comoros ayaa waxaa xilkan bishii September u magacaabay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat.

    Waxaa Muqdisho kusoo dhaweeyay Fiona Lortan oo ah ku xigeenka Ergayga Gaarka ah, madax ka tirsan wasaarada arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan ciidmada midowga Afrika ee ATMIS.

    Wixii ka horreeyay magacaabistiisa, wuxuu Ambassador Souef ahaa Madaxa Xafiiska Gobolka Gao ee Hawlgalka Xasilinta Isku-dhafka ee Qaramada Midoobay ee Mali (MINUSMA).

    Danjire @souefmo_elamine, wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha @_AfricanUnion ee dhawaan la soo magacaabay ayaa soo gaaray magaalada #Muqdishu si uu ula wareego howlahiisa shaqo ee Maxdaxa #ATMIS. Faafaahin dheeri ah oo ku saabsan imaanshiyahiisa kaga boqo muuqaalkan hoose. pic.twitter.com/aFNM7qZI8v

    — ATMIS (@ATMIS_Somalia) November 20, 2022

    Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Comoros, Danjire Souef ayaa sidoo kale soo noqday Madaxa Xafiiska Gobolka ee Howlgalka Isku-dhafka ah ee Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ee Darfur (UNAMID).

    Danjire Mohammed El-Amine Souef,ayaa bedelay wakiikii hore ee Midowga Afrika ee Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira, oo uu Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseyn Rooble dalka ka eryay bishii April, isaga oo ku eedeeyay ‘inuu ku lug yeeshay arrimo ka baxsan shaqadiisa.’

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    December 20, 2025

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    December 19, 2025

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    December 17, 2025
    Latest Posts

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    African Development Fund approves $23 million to boost clean energy access in Bosaso, Somalia

    Maxaa looga xaajoonayaa kulanka Kismaayo?

    Madaxweyne Deni iyo wefti uu hogaaminayo oo gaaray Kismaayo

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.