Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maraykanka oo dadaal xoog badan gelinaya xaqiijinta higelinta heshiiska Dowlada Itoobiya iyo TPLF
    Somalia

    Maraykanka oo dadaal xoog badan gelinaya xaqiijinta higelinta heshiiska Dowlada Itoobiya iyo TPLF

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 23, 2022No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka Antony J. Blinken ayaa shalay kala hadlay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed dadaallada loogu jiro sidii nabad waarta loogu soo dabbaali lahaa Waqooyiga Itoobiya, sida lagu shegay bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka.

    Xoghaye Blinken ayaa qiray dadaalka ay dowlada Itoobiya sii wado ee ay kaga shaqaynayso gargaarka bini’aadantinimo ee aan la hagardaameyn iyo soo celinta adeegyada aasaasiga ah ee gobolka Tigray iyo sidoo kale gobolada dariska la ah ee Canfarta iyo Axmaarada.

    Blinken ayaa carabka ku adkeeyay muhiimada ay leedahay in si deg deg ah loo dhaqan galiyo heshiiskii xabbad-jooginta ahaa oo ay ku jiraan in laga saaro dhammaan ciidamada shisheeye iyo in isku mar hub ka dhigis lagu sameeyo ciidamada Tigreega.

    Waxa uu xusay in Mareykanka ay weli ka go’an tahay taageeridda hannaanka Midowga Afrika uu hoggaamiyo, oo ay ku jirto habka kormeerka iyo xaqiijinta Midowga Afrika.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    December 20, 2025

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    December 19, 2025

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    December 17, 2025
    Latest Posts

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    African Development Fund approves $23 million to boost clean energy access in Bosaso, Somalia

    Maxaa looga xaajoonayaa kulanka Kismaayo?

    Madaxweyne Deni iyo wefti uu hogaaminayo oo gaaray Kismaayo

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.