Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Muuse Biixi Oo Xilal magacaabay xili sharciyadiisa lagu muransan yahay
    Somalia

    Muuse Biixi Oo Xilal magacaabay xili sharciyadiisa lagu muransan yahay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 23, 2022Updated:November 23, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Muuse Biixi Cabdi,ayaa sameeyay Magacaabis heer Wasiira ah,iyadoo muran ka taagan yahay mudo xileedkiisa dhamaaday.

    13-kii Nov,waxaa ku ekaa mudo xileedkii sharciga ahaa ee loo doortay Muuse Biixi hogaaminta Somaliland.

    2-sano,waxaa ugu daray Golaha Guurtida oo laftigoodu 5-sano ku darsadsy mudo xiloodkooda.

    Labada Xisbi Mucaarad ee Wadani iyo Ucid,ayaa si adag udiiday mudo kororsigaas,waxayna si cad usheegeen in aysan Muuse iyo Xukuumadiisa u aqoonsanayn Dowlad sharciyad haysata.

    Mudaaharaadyo looga soo horjeedo mudo kororsigaas laguna dalbanayo Doorasho Madaxweyne,ayaa dhacay,kuwaasoo weliba Dad ku naf waayeen.

    Sida muuqata diidmadii Mucaaradku ma hor istaagin hankii Muuse,waxaana si caadiya ufulaya qorshayaashii uu dajiyay.

    Kala saaridii Ururada,ayaa soo idlaaday,waxaana Gudiga Doorashada loo gudbiyay 10 Urur oo ay ku jiraan Labada Xisbi ee Mucaarid.

    Ujeedku waa in la qabto Doorashada Ururada Siyaasada ee 10-kii sano mar dhacda,waana mida Mucaaradku ku doodayeen in ay ka horayso tan Madaxweynaha.

    Muuse Biixi,waxuu diiday Doorashada Kursiga uu ku fadhiyo,waxuuna rabaa in uu qabto Doorashada Kuraasta ay ku fadhiyaan Cirro iyo Faysal.

    WAREEGTOOYIN Muuse soo saaray”

    23 /11/2022.

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu kala tahay JSL/XM/XKQ/222/1-959/112022 iyo JSL/XM/WM/222-960/112022 uu xilka qaadis iyo magacaabid ku sameeyey masuuliyiinka mida Xukuumadda.

    Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

    Ujeeddo: Xil Ka-qaadis.

    1. Ku: Xasan Axmed Aadan
      Xeer-ilaaliyihii Guud ee Qaranka

    Mudane,

    Laga bilaabo taariikhda maanta waxaan goโ€™aansaday in aan kaa-nasiyo xilkii Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka. Sidaa darteed, waxaan kaaga mahad-celinayaa dedaalkii iyo hawlkarnimadii aad muujisay muddadii aad haysay xilka Qaranka. Waxa aan kuu rajaynayaa caafimaad taam ah iyo mustaqbal wacan.

    1. Ku: Cabdillaahi Cabdiraxmaan Aare
      Wasiirkii Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha JSL.

    Mudane
    Laga bilaabo taariikhda maanta waxaan goโ€™aansaday in aan kaa-nasiyo xilkii Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Jamhuuriyadda Somaliland. Sidaa darteed, waxaan kaaga mahad-celinayaa dedaalkii iyo hawlkarnimadii aad muujisay muddadii aad haysay xilka Qaranka

    Ujeeddo: Magacaabid

    Wareegto Madaxweyne
    Magacaabid

    Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

    Markaan Arkay: Aqoontiisa/Aqoonteeda/Kartidiisa/Kartideeda iyo Waayo Aragnimadiisa/Waaya-aragnimadeeda;

    Markaan ku Qancay: Inuu Hannan karo/In ay Hannan Karto Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

    Markaan Sameeyey: La-tashi;

    Waxaan Goโ€™aamiyey;

    1. In Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan Hoorri laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
    2. In Aamina Cilmi Fariid Badeed laga bilaabo taariikhda maanta ay ahaato Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Jamhuuriyadda Somaliland.

    ALLAA MAHAD LEH

    Muuse Biixi Cabdi
    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.