Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Mucaaradka Kenya Oo ku dhaleeceeyay Madaxweyne Ruto shaqo joojinta Xubno ka mid ah Gudiga Doorashada
    Somalia

    Mucaaradka Kenya Oo ku dhaleeceeyay Madaxweyne Ruto shaqo joojinta Xubno ka mid ah Gudiga Doorashada

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 2, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa shaqada ka joojiyay afar xubnood oo kamid ah guddiga doorashada, oo diiday inay ansixiyaan natiijadii doorashadii madaxtinimo ee u danbeysay, taasoo keentay guushiisa.

    Ruto ayaa Jimcihii ku dhawaaqay in maxkamad uu madax u yahay garsoore ay baaritaan ku sameyn doonto afartan mas’uul, oo lagu eedeeyay inay ku xad-gudbeen sharciga, kuna kaceen anshax-xumo weyn iyo xil gudasho la’aan, taasoo keeni karta in ugu dambeyn laga eryo xilalka ay hayeen.

    Balse hoggaamiyaha mucaaradka, Raila Odinga, ayaa ku tilmaamay tillaabada Ruto inay tahay qorshaha dowladda, ee ku aadan musuq maasuq lagula kacayo doorashada soo socota, ee dhacaysa sanadka 2027-ka.

    “Afartan qof ayaa la qasbayaa, sababtoo ah Ruto iyo maamulkiisa waxay doonayaan in is badal ku sameeyaan IEBC, oo ah [guddiga doorashada Kenya] oo ay ka buuxiyaan calooshood u shaqaystayaasha lagu qaribo doorashada 2027. [Ruto] wuxuu rabaa inuu ku shubto doorashada 2027 2022,” ayuu yiri Odinga.

    Ku dhawaaqista Ruto ee maxkamadda, ayaa daba socota soo jeedintii golaha qaranku ee ahaa in shaqada laga joojiyo guddiyada doorashada, sababo la xiriira hab-dhaqankooda intii lagu guda jiray doorashada Ogosto ee sanadkan.

    Ruto ayaa lagu dhawaaqay inuu ku guuleystay doorashada, kadib markii uu si dirqi ah uga adkaaday musharaxii la tartamayey ee Odinga, oo helay 50.5% codadkii la dhiibtay.

    Laakiin afar ka mid ah toddobadii guddiga doorashada, oo uu ku jiro guddoomiye ku-xigeenka, ayaa sheegay in tirinta codadka ay ku jiraan khaladaad, natiijadana ay tahay “mid mugdi uu hareeyey”.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    December 19, 2025

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    December 17, 2025

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    December 17, 2025
    Latest Posts

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    African Development Fund approves $23 million to boost clean energy access in Bosaso, Somalia

    Maxaa looga xaajoonayaa kulanka Kismaayo?

    Madaxweyne Deni iyo wefti uu hogaaminayo oo gaaray Kismaayo

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    Xog:-Xiriirka iyo wadashayanta Alshabaab iyo Xasan Shiikh??

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.