Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Deni Oo furay Shirweynaha Arimaha Diinta Ee Puntland
    Somalia

    Madaxweyne Deni Oo furay Shirweynaha Arimaha Diinta Ee Puntland

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 7, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa furay shirweynaha Arrimaha diinta ee Puntland, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Cadaaladda, Dastuurka, Arrimaha Diinta iyo Dhaqancelinta Puntland ayna ka qeybgaleen Culimaa’udiinka iyo Hay’addaha kala duwan ee Dowladda ee ku shaqo leh Arrimaha Diinta, Cadaaladda, Garsoorka, Amniga, Caafimaadka iyo Haweenka.

    Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa boggaadiyey labada qodob ee ugu weyn ee looga hadlayo inta Kulanka socdo, kuwaasi oo kala ah Nidaaminta iyo Horumarinta Dugsiyada Quraanka iyo La dagaalanka Maandooriyaha iyo Anshax xumada, wuxuuna ku baraarujiyey Wasaaradda iyo Culimaa’udiinka in la joogteeyo Kulamada noocan oo kale ah.

    Madaxweyne Deni wuxuu la wadaagay Bulshada in Shirarkan iyo Kuwa la midka ah ay qeyb ka yihiin in la ballaariyo tallada Dalka oo laga qeybgeliyo Bulshada kala duwan, waana sababta loo rabo in Dalka uu u guuro nidaamka Xisbiyada badan oo tallada dalku ay noqoto mid dadka oo dhan ka dhexeysa qof walbana uu Xaq u helo in la dooran karo ama uu wax dooran karo.

    Culimaa’udiinka Munaasabadda ka hadlay waxay ku tilmaameen kulkan kii ugu horeeyay ee noociisa ah baahi weyna loo qabay, laguna horumarin karo dugsiyada Quraanka iyo Sidii looga hortegi lahaa maandooriyaha iyo dhaqamada xun. Waxay Madaxweynaha uga mahadceliyeen wadashaqeynta joogtada ah iyo ahmiyada uu siinayo doorka culimada.

    DHAMMAAD

    XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    December 19, 2025

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    December 17, 2025

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    December 17, 2025
    Latest Posts

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    African Development Fund approves $23 million to boost clean energy access in Bosaso, Somalia

    Maxaa looga xaajoonayaa kulanka Kismaayo?

    Madaxweyne Deni iyo wefti uu hogaaminayo oo gaaray Kismaayo

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    Xog:-Xiriirka iyo wadashayanta Alshabaab iyo Xasan Shiikh??

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.