Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweynayaasha Somaliya iyo Shiinaha Oo ku kulmay Riyaad
    Somalia

    Madaxweynayaasha Somaliya iyo Shiinaha Oo ku kulmay Riyaad

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 9, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Riyaad, Diseembar 9, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo ka qeyb galaya Shirka Shiinaha iyo dalalka Carabta,ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay dhigiisa dalka Shiinaha Mudane Xi Jinping.

    Madaxweynaha ayaa la wadaagay Madaxweyne Jinping xaaladda dalka iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada, isagoo xusay guulaha wax ku oolka ah ee ay gaareen Ciidamada Soomaaliyeed oo kaashanaya bulshada deegaannada ay kuu dhuumaaleysanayaan argagixisada Alshabaab.

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shacbiga ah ee Shiinaha ayaa tilmaamay in dalkiisu ay mar waliba aaminsan yihiin midnimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya, isagoo soo bandhigay sida ay uga goโ€™antahay garab istaaga Jamhruuiyaddda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka ay kula jirto argagaxisada khawaaarijta, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo xaqiijinta qorshaha deyn cafinta.

    Sidoo kale, Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlaya xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo sida Shiinuhu ay saaxiib dhow ula ahaayeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyagoo fuliyey mashaariic dhaxal-gal ah oo ilaa maanta ay dheefsadaan shacabka Soomaaliyeed.

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Riyaad ee dalka Sucuudiga ayaa halkaas kala qeyb galaya Madaxda, Amiirrada iyo Boqorrada dalalka Carabta Madadha Iskaashiga Shiinaha iyo Carabta oo lagaga arrinsanayo xoojinta xasilloonida mabdiqadda, horumarinta, isbeddelka cimilada iyo ganacsiga.

    DHAMMAAD

    Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
    Abdikadir Ali Dige,
    Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
    Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
    E-mail: media@presidency.gov.so
    Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
    Twitter: @TheVillaSomalia

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.