Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxaa udanbeeyay Dacwadii laaluushka Ee Xildhibaanad Kaili?
    Somalia

    Maxaa udanbeeyay Dacwadii laaluushka Ee Xildhibaanad Kaili?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 14, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xildhibaanadda reer Greece ee baarlamanka Midowga Yurub, Eva Kaili, ee ay kusoo baxday fadeexadda la xiriirta Qatar, “kama war hayn jiritaanka” lacagta kaashka ah ee laga helay gurigeeda, waxaa sidaas AFP u sheegay qareenkeeda.

    Qareenka Kaili ayaa sheegay “inaysan wax galabsan” wuxuuna beeniyey “wararka beenta ah ee la isla dhex-marayo” ee ku saabsan inay laaluush ka qaadatay Qatar.

    Xildhibaanka, oo shalay laga qaaday xilkii madaxweyne ku-xigeenka baarlamanka Midowga Yurub “wax xiriir ah lama lahan lacagta gurigeeda laga helay,” ayuu yiri qareenkeeda Michalis Dimitrakopoulos kadib markii ay xireen booliska kadib baaritaan ka dhacay magaalada Brussels.

    Wuxuu sheegay in Francesco Giorgi oo ah lamaanaheeda “uu ka jawaabi karo jiritaanka lacagta kaashka ah.”

    Kaili, oo 44 jir ah, ayaa ka mid ah lix qof oo la xiray kadib howlgalka booliska, hase yeeshee waa xildhibaanka kaliya ee illaa hadda dacwadda lagu soo oogay.

    Ilo-wareedyo ka tirsan garsoorka Belgium ayaa sheegay in qiyaastii 150,000 euro oo kaash ah laga helay apartment ay ka degan tahay magaalada Brussels ee xarunta Midowga Yurub.

    Xildhibaanada Golaha Baarlamanka Midowga Yurub ayaa Talaadadii codeyn ah 625-1 ku meel-mariyey in Kaili laga qaado xilka madaxweyne ku-xigeenka.

    Garsoore Belgium ah ayaa maanta go’aan ka gaari doonaa haddii Kaili iyo saddexda qof ee lala eedeeyey ay xabsi kusii jiri doonaan illaa maxkamad laga soo taagayo. Laba ka mid ahaa lixda eedeysane ayaa lasii daayey.

    Dowladda Qatar, oo lagu eedeeyey inay xildhibaanada u siisay lacagta si ay saameyn ugu yeelato go’aanada Midowga Yurub, ayaa beenisay inay wax lug ah ku leedahay kiiskan ama ay khalad sameysay.

    VOA.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    December 19, 2025

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    December 17, 2025

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    December 17, 2025
    Latest Posts

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    African Development Fund approves $23 million to boost clean energy access in Bosaso, Somalia

    Maxaa looga xaajoonayaa kulanka Kismaayo?

    Madaxweyne Deni iyo wefti uu hogaaminayo oo gaaray Kismaayo

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    Xog:-Xiriirka iyo wadashayanta Alshabaab iyo Xasan Shiikh??

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.