Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Elon Musk oo laga riixday booskii Maalqabeenka Caalamka
    Somalia

    Elon Musk oo laga riixday booskii Maalqabeenka Caalamka

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 14, 2022No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Elon Musk,ayaa lagala wareegay booska ugu sarreeya ee liiska dadka ugu hantida badan caalamka ka dib markii uu sanadkan hoos u dhac weyn ka sameeyay saamiga uu ku leeyahay shirkadda soo saarta gawaarida korontada ku shaqeeya ee Tesla.

    Sida lagu muujiyay xogta Majalladaha ka faallooda dhaqaalaha ee Forbes iyo Bloomberg labadaba, Mr Musk waxaa booska ka qaatay nin kale oo lagu magacaabo ernard Arnault, oo ah madaxa shirkadda hantida qaaliga ah iibisa ee LVMH.

    Elon Musk qudhiisu waa madaxa shirkadda Tesla ahna qofka saamiga ugu weyn ku leh dhaqaalaha shirkaddaas. Waxaa lasoo tebiyay in saamigiisu uu yahay qiyaastii 14%.

    Bishii October ayuu dhammeystiray heshiis uu kula wareegay shirkadda Baraha Bulshada ee Twitter, taas oo u uku iibsaday lacag dhan $44 bilyan oo doolar.

    Sida ay shaacisay Majalladda Forbes, Mr Musk waxa uu hadda heystaa lacag dhan qiyaastii $178bn (oo u dhiganta £152bn).

    Dhanka kale, ninka hadda noqday qofka ugu hantida badan caalamka, Bernard Arnault ayaa hantidiisa lagu qiimeeyay $188 bilyan oo doolar.

    Waa kuma Bernard Arnault?

    Waa ganacsade maal qabeen ah oo u dhashay dalka Faransiiska. Marka laga soot ago shirkaddiisa, waxa uu sidoo kale aruuriyaa farshaxannada qiimaha badan.

    Waxa uu dhashay 5-tii bishii March ee sanadkii 1949, haddana da’diisu waa 73 sano.

    Hantidiisa oo bishii March, 2020 ahayd $76 bilyan oo doolar ayaa kor ugu dhacday $110 milyan oo dheeraad ah muddo 14 bilood gudahood ah. Baahida loo qabo hantida ay shirkaddiisu iibiso ayaa aad sare ugu kacday intii uu socday cudurka Covid-19.

    Heshiiska uu Mr Musk ku iibsaday shirkadda Twitter ayaa la dhammeystiray ka dib dhowr bilood oo uu socday dagaal dhinaca sharciga ah. Dadka u kuur gala arrimaha dhaqaalaha qaarkood ayaa aaminsan in sababta uu uga baxay booska ugu sarreeya ee liiska ay tahay la waregista Twitter oo hoos u dhigtay saamiyadii u uku lahaa Tesla.

    Ka dib markii uu saami ku yeeshay Twitter billowgii sanadkan, Mr Musk ayaa bishii April ku yaboohay in uu shirkadda kula wareego 44 bilyan oo doolar, inkastoo dadka qaar ay qiimahaas ku tilmaamayeen mid aad u sarreeya.

    Bishii July ayuu ka baxay heshiiska, isagoo sheegay in uu ka walaacay tirada cinwaannada been abuurka ah eek u sameysan Twitter-ka.

    Ugu dambeyntii mas’uuliyiinta Twitter ayaa tallaabo sharci ah u qaaday si ay Mr Musk ugu khasbaan fulinta heshiiskii uu ballan qaaday.

    Dan Ives oo ka tirsan shirkadda maalgashiga ee Wedbush Securities ayaa sheegay in “muranka” ku gedaannaa heshiiska Twitter ay sababtay hoos u dhaca qiimaha ay ku fadhiyeen saamiyada Tesla.

    “Musk wuxuu ka tagay booskiisii ahaa halyeyga Tesla waxa uuna noqday laadar waddooyinka taagan, maadaama uu la socdo qof walba oo wax kusoo qora Twitter,” ayu uku yiri BBC-da.

    “Muranka ka taagnaa Twitter-ka ayaa waxyeello u geystay magaca Musk iyo heerka ay suuqa saamiyada ka taagneyd shirkadda Tesla. Musk waa Tesla Tesla-na waa Musk.”

    Mr Musk ayaa balaayiin doolar ku iibiyay saamiyo qeyb ka ahaa shirkadda Tesla si uu ula kaashado la wareegista Twitter-ka, taasoo horseedday in saamiyada ay qiimo ahaan hoos u dhacaan.

    Maalgashadeyaasha ayaa sidoo kale ka welwelsanaa in ay yaraatay baahida loo qabo gawaarida korontada ku shaqeeya ee shirkadda Tesla, maadaama ay sii daciifeyso.

    BBC.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    December 19, 2025

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    December 17, 2025

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    December 17, 2025
    Latest Posts

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    African Development Fund approves $23 million to boost clean energy access in Bosaso, Somalia

    Maxaa looga xaajoonayaa kulanka Kismaayo?

    Madaxweyne Deni iyo wefti uu hogaaminayo oo gaaray Kismaayo

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    Xog:-Xiriirka iyo wadashayanta Alshabaab iyo Xasan Shiikh??

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.