Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Xoghayihii hore Ee Arimaha dibada Maraykanka oo ku baaqay in dagaalka Ukrain wadahadal lagu xaliyo
    Somalia

    Xoghayihii hore Ee Arimaha dibada Maraykanka oo ku baaqay in dagaalka Ukrain wadahadal lagu xaliyo

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 19, 2022No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Diblomaasiga Maraykanka ah ee ruug caddaaga ah ee Henry Kissinger,ayaa sheegtay in ay soo dhowaatay xilligii la geli lahaa wadahadalo nabadeed oo lagu soo afjaro xiisadda ka taagan dalka Ukraine, si hoos loogu dhigo halista inuu qarxo dagaal kale oo caalami ah.

    Hase ahaatee xukuumadda Kyiv ayaa ku gacan saydhay faallada uu bixiyey diblomaasigan Maraykanka ahi, iyaga oo ku tilmaamay intay tahay mid lagu raali gelinayo cidda gardarada wadda, iyaga oo sheegay inaanu jirin heshiis lagu wareejinayo dhulkooda.

    Kissinger oo haatan da’diidu ay tahay 99 sano ayaa ka mid ahaa raggii wax ka naqshadeeyey siyaasaddii Maraykanka ee xilligii dagaalka qaboobaa u uku waayahayey Midawgii Soofiyeeti, isaga oo xilligaas ahaa xoghayihii arrimaha debedda ee Madaxweynayaashii Richard Nixon iyo Gerald Ford.

    Kissinger ayaa dhawrjeer la kulmay Vladimir Putin, tan iyo markii uu noqday madaxweynaha Ruushka sannadkii 2000.

    Wadamada reer galbeedka oo Maraykanku uu ku jiro ayaa ku si weyn u dhaleeceeyey weerarada gardarrada ah ee madaxweyne Putin uu ku qaaday bishii February ee sannadkan, duulaankaas oo ay ku dhinteen kumanaan qof halka ay ku barakaceen malaayiin qof oo kale.

    Ruushka ayaa haatan gacanta ku haya, ku dhowaad shan meeloodow meel, dhulka Ukraine.

    “Waxaa soo dhowaanayaa xilligii lala iman lahaa qorshe iyo isbedelo istaraatejiyadeed oo hore loo gaadhay iyo in lagu daro qaab dhismeed cusub oo tilmaamaya habka lagu gaadhayo nabadda, iyada oo loo marayo gorgortan” ayuu yidhi Kissinger oo faallo ku qoray majallada The Spectator Magazine.

    “Hannaanka nabadeed waa inuu Ukraine ku xidhaa Nato, si kastaba ha ahaatee. Nidaamka ku salaysnaa dhexdhexaadnimo, haatan maaha mid shaqaynaya” ayuu sii raaciyey.

    Kissinger ayaa bishii May wuxuu soo jeediyey xabbad joojin, ay shuruudeheeda ka mid tahay, in Ruushku uu ka baxo jiidda hore ee dagaalka, ee ay ku sugnaayeen, ka hor duulaankii February, laakiin Crimea ay noqoto mawduuca laga wada hadlayo.

    Xiisada bariga Ukraine ayaa bilaabatay sannadkii 2014-kii kadib markii madaxweyne taageersan Ruushka lagu tuuray xilka dalka Ukraine, halka uu xilligaas Ruushku qabsaday gobolka Crimea, iyadoo gooni u goosadka uu Ruushka taageerona ay dagaalo ka bilaabeen bariga dalka Ukraine.

    “Mudane Kissinger weli waxba ma fahmin … sidoo kale [ma fahamsana] dabeecadda dagaalkan, iyo saameynta uu ku leeyahay nidaamka adduunka,” sidaas waxaa sheegay Kaaliyaha madaxweynaha Ukraine Mykhailo Podolyak oo qoraal soo dhigay barta Telegram

    Dawladda Ruushka ayaan wax faallo ah arrintan ka bixinin.

    Agaasimaha hay’adda sirdoonka Maraykanka ee CIA William Burns oo waraysi bixiyey ayaa sheegay in inkasta oo xiisada ka jira dunidu ay ku soo dhamaadaan wadahadal, haddana qiimaynta ay samaysay hay’adda CIA inay muujinayso, in Ruushku aanay si weyn uga go’nayn inuu galo wadahadalo dhab ah oo lagu soo afjarayo dagaalka.

    VOA.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.