Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Trump Oo la qorshaynayo in Dacwado lagu soo oogo
    Somalia

    Trump Oo la qorshaynayo in Dacwado lagu soo oogo

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 20, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Guddiga Aqalka Wakiilada Mareykanka, ee baaraya weerarkii 6-dii Janaayo 2021 lagu qaaday xarunta Congress-ka, ayaa Isniintii weydiistay dacwad-oogayaasha inay dacwado la xiriira afar dambi kusoo oogaan madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump.

    Codsiga uu guddigan ay hoggaamiyaan xisbiga Dimoqraadiga u diray Waaxda Cadaaladda – kadib markii ay wareysteen in ka badan 1,000 marqaati furayaal ah iyo ururinta boqolaal kun oo dokumenti – ayaa ka dhigan markii ugu horreysay taariikda ee Congress-ka dalbado in la maxkamadeeyo madaxweyne hore.

    Codsigan kuma qasbayo dacwad-oogayaasha inay tallaabo qaadaan, hase yeeshee wuxuu imaanaya xilli la-taliye gaar ah uu sidoo kale maamulayo laba baaritaan oo kale oo federaal oo ka dhan ah Trump, kuwaas oo la xiriira isku daygii uu ku doonayo in lagu baabi’iyo natiijada doorashadii madaxweyne ee 2020, iyo inuu dokumentiyo sir ah ah ka saaray Aqalka Cad.

    Guddiga,ayaa weydiistay Waaxda Cadaaladda inay Trump kusoo oogto Afar dambi oo suurtagal ah, kuwaas oo kala ah; carqaladeynta tallaabooyinka rasmiga ah ee Congress-ka, shirqoolidda khiyaameynta Mareykanka, sameynta hadallo been ah iyo caawinta ama kicinta kacdoon.

    “Kacdoonku waa diidmo ka dhan ah sharciyadda Mareykanka. Waa gef weyn oo federaal ah, oo ku qotoma dastuurka,” waxaa sidaas yiri Jamie Raskin, oo xubin ka ah guddiga kana tirsan xisbiga Dimoqraadiga.

    Waaxda Cadaaladda,ayaa diiday inay arrintan ka hadasho.

    Dhinaca kale, Donald Trump ayaa guddiga ku eedeeyey “eedeyn been abuur ah” taasi oo uu sheegay inay qeyb ka tahay isku day la doonayo in looga hor-istaago inuu mar kale isku sharxo xilka madaxweyne.

    “Dacwooyinka been abuurka ah ee ay sameeyeen guddiga aan la dooran ee halka dhinac ah ee 6-dii Janaayo mar hore ayaa la gudbiyay, dacwad lasoo oogay sidoo kalena maxkamdeyn la sameeyey, waxayna aheyd Impeachment Hoax #2 [mooshinkii xil-ka-xayuubin ee Aqalka Wakiilada],” Trump ayaa sidaas ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Truth Social. “Waxaan uga guuleystay si muuqata.”

    “Ganacsigan oo dhan ee dacwad igu soo oogista ah, wuxuu la mid yahay mooshinkii xil-ka-xayuubinta — isku daygaas oo hal dhinac-ahaa oo la doonayey in aniga iyo xisbiga Jamhuuriga na lagu curyaamiyo,”Ayuu yiri.

    VOA.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.