Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Xildhibaanad Kaili oo markale la diiday in Xabsiga laga sii daayo
    Somalia

    Xildhibaanad Kaili oo markale la diiday in Xabsiga laga sii daayo

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 23, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xildhibaanadda reer Greece ee xudunta u ah fadeexadda musuq-maasuq ee ruxday Baarlamanka Midowga Yurub, taasi oo lala xiriirnayo dowladda Qatar ayaa loo diiday in xabsiga laga sii daayo kahor inta laga maxkamadeynayo, waxaa sidaas sheegay dacwad-oogayaasha.

    Eva Kaili, oo 44 jir ah, ayaa ka mid aheyd afar tuhunsane oo horraantii bishan ay xireen booliska Belgium.

    Waxa ay ku dooday in aanay wax dambi ah lahayn, waxayna codsatay in la ogolaado in lasii daayo oo korjoogteyn lagu hayo – codsigaas oo laga diiday.

    Qareenkeeda Andre Risopoulos ayaa u sheegay AFP inaysan racfaan ka qaadan doonin go’aanka, taasi oo ka dhigan inay xabsiga kusii jiri doonto ugu yaraan hal bil inta ay baaritaanada socdaan.

    Risopoulos ayaa weriyayaasha u sheegay kahor go’aanka maxkamadda, in Kaili “ay la shaqeyneyso” baarayaasha Belgium ayna diyaar u aheyd in dhaq-dhaqaaqyadeeda lagula socdo hab elektoronik ah, haddii xabsiga laga sii daayo.

    Kaili, oo ah suxufi hore, islamarkaana laga xayuubiyey xilkii madaxweyne ku-xigeenka baarlamanka Midowga Yurub kadib howlgal ay booliska fuliyeen bishan, ayaa noqotay xuddunta kiiska musuq-maasuq ee la tuhunsan yahay.

    Mas’uuliyiinta Qatar ayaa sheegay inaysan wax kaalin ah ku laheyn wax khalad ah.

    Qareenka kale ee Kaili, Michalis Dimitrakopoulos ayaa Arbacadii sheegay inay aad u murugsan tahay “ayna dhibtooneyso” islamarkaana uu khiyaamay lamaanaheeda Francesco Giorgi oo sidoo kale eedeysan.

    Kaili ayaa booliska Belgium ay xireen 9-kii December, waxaana gurigeeda laga helay 1.5 milyan oo Euro. Tuhunka ayaa ah in lacagtaas ay bixisay dowladda Qatar, si ay saameyn ugu yeelato go’aanada baarlamanka Midowga Yurub, eedeyntaas oo Qatar ay beenisay.

    VOA.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.