Imaamka weyn ee Masjidka Al-Azhar ee Masar,ayaa sheegay in shareecada uu kasoo horjeedo in uu kasoo horjeedo goโaanka gabdhaha reer Afgaanistaan looga mamnuucay inay wax ka dhigtaan Jaamacadaha Dalkaas.
Shiikh Axmed Al-Tayeb oo lagu tilmaamo in uu yahay Waddaaadka ugu saameynta badan muslimiinta suniga ah,ayaa ku baaqay Ragga iyo Dumarka in ay wax bartaan.
Wuxuu ku tilmaamay goโaanka mid naxdin leh, wuxuuna ka codsaday masโuuliyiinta Taalibaan inay ka laabtaan goโaanka.
Horraantii Toddobaadkan ayay aheyd markii Taalibaan ay Haweenka ka mamnuucday in ay wax ka bartaan Jaamacadaha ku yaalla Afghanistan ilaa amar dambe.
Waxay amar ku siiyeen Jaamacadaha in ay qaabilin Gabdhaha.
Tallaabadan,ayaa horseeday qeylo dhaan caalami ah.