Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Putin”Ruushku waa udiyaar in uu la xaajoonayo dhammaan dhinacyada ku lugta leh dagaalka Ukraine”
    Somalia

    Putin”Ruushku waa udiyaar in uu la xaajoonayo dhammaan dhinacyada ku lugta leh dagaalka Ukraine”

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 26, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ruushka,waa udiyaar in uu la xaajoonayo dhammaan dhinacyada ku lugta leh dagaalka Ukraine balse Kyiv iyo taageerayaasheeda reer galbeedka,ayaa diiday in ay wada hadal la galaan”Ayuu ku sheegay wareysi la sii daayay Axaddii Madaxweyne Putin.

    “Waxaan diyaar u nahay inaan kala xaajoono cid walba oo ay khuseyso xalalka la aqbali karo, laakiin taasi iyaga ayay ku xiran tahay mana nihin kuwa diidan gorgortanka,” ayuu Putin u sheegay telefishinka qaranka ee Rossiya 1.

    Kremlin-ka,ayaa sheegay in uu dagaallami doono ilaa laga gaarayo dhammaan ujeeddooyinkiisa,halka Kyiv ay sheegtay in aysan nasan doonin ilaa Askari kasta oo Ruush ah laga saaro dhammaan dhulkeeda, oo ay ku jirto Crimea oo Ruushku uu qabsaday 2014-kii.

    La taliyaha Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy,ayaa sheegay in Putin looga baahan yahay inuu ku soo laabto xaqiiqada oo uu qiro in Ruushka uu yahay mid aan dooneyn wax wada xaajood ah.

    “Ruushka wuxuu si keligiis ah u weeraray Ukraine wuxuuna dilayaa muwaadiniin mana rabo wadahadal laakiin wuxuu isku dayayaa in uu ka dhuunto masuuliyada dagaalka”Ayuu ku yiri Mykhailo Podolyak Twitter-ka.

    Agaasimaha CIA William Burns,ayaa wareysi uu bixiyay bishan ku sheegay in inta badan khilaafaadka ay ku dhamaadaan wada xaajood, haddana CIA-du waxay qiimeysay in Ruushku aanu weli dhab ka ahayn wada xaajood dhab ah oo lagu soo afjarayo dagaalka.

    Putin,ayaa sheegay in Ruushka uu u dhaqmayo Jihada saxda ah ee Ukraine sababtoo ah reer galbeedka oo uu ugu horeeyo Maraykanka ayaa isku dayaya in ay kala fogeeyaan Ruushka. Washington ayaa beenisay in ay qorsheynayso burburka Ruushka.

    “Waxaan aaminsanahay in aan u dhaqmayno jihada saxda ah,waxaan difaaceynaa danaheena Qaranka, danaha muwaadiniinteena,mana lihin doorasho kale oo aan ka ahayn inaan ilaalino muwaadiniinteena,”Ayuu yiri Putin.

    Mar la weydiiyay in khilaafka Juqraafiga siyaasadeed ee reer galbeedka uu ku soo wajahan yahay heer halis ah, Putin wuxuu yiri..

    “Uma maleynayo inay sidaas khatar u tahay.”

    Putin,ayaa sheegay in reer galbeedku ay bilaabeen iska horimaadka Ukraine 2014-kii iyaga oo afgambiyey Madaxweynihii taageersanaa Ruushka ee mudaaharaadyadii Kacaanka Maidan.

    Duulaanka Ruushka ee 24-kii Feberaayo ee dalka Ukraine,ayaa dhaliyay iska horimaadkii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca Yurub tan iyo dagaalkii labaad ee Aduunka iyo iska horimaadkii ugu weynaa ee dhex mara Moscow iyo reer Galbeedka tan iyo 1962-kii xiisadii Gantaalada Kuuba.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.