Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Xiriirka Turkiga iyo Srael oo soo wanaagsanaaday
    Somalia

    Xiriirka Turkiga iyo Srael oo soo wanaagsanaaday

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 28, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan,ayaa Warqadaha aqoonsiga ka Guddoomay Danjiraha cusub ee Israaโ€™iil u fadhin doona dalka Turkiga, Irit Lillian, iyadoo labada Dowladood ay caadi ka dhigayaan xiriirka ka dhexeeya.

    Turkiga iyo Israa’iil,ayaa bilaabay in ay hagaajiyaan xiriirka ay la leeyihiin kadib booqashooyin heer madaxeed ah sanadkan oo uu ku jiro booqashadii madaxweynaha Israel Isaac Herzog ee Ankara, waxayna ku heshiiyeen inay wada magacaabaan safiiro.

    Labadan Dal,ayaa ku heshiiyay “In ay ka wada shaqeeyaan sidii loo abuuri lahaa marxalad cusub oo xiriir ah” oo ku saleysan ixtiraamka danaha labada dhinac.

    Irit Lillian, oo aheyd ku simaha safiirka Israel u qaabilsanaa Ankara tan iyo Janaayo 2021, ayaa noqotay safiirka cusub, kadib markii ay warqadaha kalsoonida u gudbisay Erdogan.

    Labadan dal oo mar ahaa xulufada iskugu dhow gobolka, ayaa muddo ka badan 10 sanadood xiriirkoodu ahaa mid aan wanaagsaneyn, iyadoo Ankara ay eriday safiirkii Israel kadib markii 2010-kii ay Israaโ€™iil weerar ku qaaday markab gargaar u siday Gaza, kaasoo ay ku dhinteen 10 muwaadin oo Turki ahaa.

    Xiriirka diblomaasiyadeed ee labadan Dal,ayaa dib loo soo celiyay sanadkii 2016-kii, balse labo sano kadib Turkiga ayaa u yeeray safiirkiisii Israel, isla markaana ceyrisay ergaygii Israel, markii ciidamada Israel ay dileen tiro Falastiiniyiin ah oo ka qeyb qaatay banaanbaxyo ka dhacay Marinka Gaza.

    Reuters.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.