Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Putinka ay Maxkamada caalamiga ah raadinayso oo booqanaya Khaliijka Carabta
    Somalia

    Putinka ay Maxkamada caalamiga ah raadinayso oo booqanaya Khaliijka Carabta

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 5, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweyne Vladimir Putin ayaa Arbacada booqan doona Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta, Aqalka Kremlin-ka ayaa sidaas ku dhawaaqay, xilli Moscow ay raadineyso xulafo dibadda ah inkasta oo ay reer galbeedku u go’doomiyeen colaadda Ukraine darteed.

    Putin ayaa xaddiday safarrada caalamiga ah tan iyo markii uu ciidamo u diray Ukraine, islamarkaana Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ay soo saartay amar lagu soo xirayo iyadoo ku eedeysay inuu masaafuriyey carruur reer Ukraine ah.

    “Madaxweyne Putin waxa uu berri safar shaqo ku tagi doonaa Imaaraadka iyo Sacuudiga,” ayuu afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov u sheegay wariyeyaasha Talaadadii.

    Waxa uu sheegay in hoggaamiyaha Ruushka uu hadli doono xiriirka labada dal, dagaalka Israel iyo Xamas iyo siyaasadda caalamiga ah.

    Peskov wuxuu sheegay in Putin uu sidoo kale kala hadli doono suuqa saliidda inta lagu jiro booqashada, kadib markii Ruushka – oo ka mid ah 10-ka dal ee saaxibka la ah OPEC – uu sheegay inuu sii xoojin doono dhimista soo-saarka.

    Imaaraadka Carabta ayaa martigelinaya shirka cimilada COP28 ee Qaramada Midoobay, laakiin Kremlin-ka ma aysan caddeyn in Putin uu ka qeybgali doono wax dhacdo ah oo la xiriira iyo in kale.

    Putin ayaa seegay dhowr shirar oo heer sare ah oo dibadda ah tan iyo markii Moscow ay dagaal ballaaran ka billowday Ukraine bishii Febraayo 2022.

    Putin ayaa ka baaqsaday shirkii BRICS ee Koonfur Afrika bishii hore si uu uga fogaado “bandhig is-muujin”.

    Waxa kale oo uu seegay shir madaxeedka G20 ee bishii September – in kasta oo uu ka qayb galay kulan G20 ah bishii November u dhacay qaab fogaan arag ahaan ah.

    Tan iyo bishii Maarso, Putin waxaa si weyn u baadi goobeysay maxkamadda ICC, waxaana dalalka xubnaha ka ah la filayaa inay fuliyaan amarka soo xiritaan haddii hoggaamiyaha Ruushka uu soo galo dalkooda.

    Imaaraadka iyo Sacuudiga midna ma saxiixin heshiiska aas-aaska Maxkamadda ICC, taasi oo la macno ah inaysan qasab ku aheyn inay xiraan.

    Putin ayaa booqday Shiinaha bishii October, taasi oo aheyd booqashadii ugu horreysay ee uu sanadkan ku tago meel ka baxsan Midowgii Soviet ee hore.

    AFP

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.