Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Xaqiiqda warka weftiga Maraykanka Ee Bosaso ka baaqday?
    Puntland

    Xaqiiqda warka weftiga Maraykanka Ee Bosaso ka baaqday?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.April 29, 2024Updated:April 29, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Waxaa jiray kulamo dhexmaray Dowlada Puntland iyo Maraykanka,kuwaasoo daarnaa sida loo wada shaqaynayo marka ay timaado dhanka amaanka.

    Kulamadaas,waxay dhexmareen MW Deni iyo Safiirka Maraykanka,waxaana lagu heshiiyay…

    1.In Maraykanku si toos ah ula shaqeeyo Dowlada PL oo aysan jirin cid si gaar ah ay ula hawlgalaan.

    2.In Dowlada PL ay siiso Maraykanka Dhul iyo Ciidan wada shaqayneed.

    3.In Dowlada PL ugudbiso Maraykanka arimaha amaan ee ay danaynayso in lagala shaqeeyo oo laga taageero.

    Kadib,waxaa lagu ballamay in Laba wefti ay soo dirto Dowlada Maraykanka oo kala ah mid Siyaasadeed iyo mid amni.

    Weftiga Siyaasada,waxaa hogaaminaya Safiirka,waxayna tagayaan Garowe dhawaan.

    Weftiga Amniga,waxaa la qorsheeyay in ay tagaan Bosaso Saakay.

    Weftigaas,waxay soo gudbiyeen xogta safarkooda,waxaana la qorsheeyay goobaha ay booqanayaan iyo cida qaabilaysa…

    B.Garoonka Diyaaradaha.
    T.Dekeda Bosaso.
    J.Talyayaasha Ciidamada,Agaasinka Madaxtooyada iyo Wasaarada Amniga.

    Balse,waxaa khalad sameeyay weftiga Maraykanka Sarkaal Ciidan oo ka mid ah,wuxuuna si hoose ula xiriiray PSF oo ka codsaday in ay soo dhaweeyaan una diyaariyaan Gaadiid iyo Ciidan iyo Xarunta lagu shirayo.

    Dowlada PL,ayaa markaas kadib xiriir la samaysay Safaarada,waxayna Safaaradu uxaqiijisay in aysan waxba kala socon xiriirkaas shaqana ku lahayn.

    Dowlada PL,waxay Safaarada ka dalbatay in weftiga la baajiyo lana saxo khaladka,isla markaana Maraykanku isku laabto,sidaa,ayuu ku baaqday imaanshihii weftiga amni ee Maraykanka.

    PSF eed maleh,PMPF eed maleh guud ahaana Dowlada PL eed maleh ee waxaa kala hadlay weftiga Maraykanka oo haatana laga sugayo in ay isa soo saxaan kuna yimaadaan nidaamka Dowliga ah.

    JQ.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    March 25, 2026

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    March 25, 2026

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.