Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»WAR-SAXAAFADEED KU SAABSAN ARDAYDA LAGA JOOJIYEY IMTIXAANKA SHAHAADIGA AH EE FASALKA 12-AAD
    Puntland

    WAR-SAXAAFADEED KU SAABSAN ARDAYDA LAGA JOOJIYEY IMTIXAANKA SHAHAADIGA AH EE FASALKA 12-AAD

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 12, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garowe, Maajo 12, 2024;

    Wasaaradda Waxabarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland, iyadoo ka jawaabaysaa cabashada Ardayda iyo Waalidiinta ee lagu baahiyey baraha bulshada, taas oo lagu sheegey in Wasaaraddu ay u oggolaan weydey qaar ka mid ah ardayda Dugsiyada Sare ka qayb-galka imtixaanka shahaadiga ah, Wasaaraddu waxay soo saartay;

    1. Wasaaraddu waxay caddaynaysaa in Ardaydan oo tiro ahaan kooban marka loo eego tirada guud ee aradayda u fariisan doonta imtixaanka fasalka 12aad, looga joojiyey kaqaybgalka imtixaanka shahaadiga ah sabab la xiriirta inaysan buuxin qaar kamid ah shuruudihii laga rabay ardayga u fariisanaya imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12aad, taas oo ay iyaguba caddeeyeen.

    2. Wasaaraddu waxay tixgelin gaar ah siin doontaa duruufaha dhaqaale ee ardaydan si loo xaqiijiyo gaaritaanka hadafkooda waxbarasho, iyadoo masuuliyad la iska saarayo sidii loo suurtagelin lahaa habkii ardaydu u dhammaystiran lahayd waxbarashooda loogana xallin lahaa culeyska dhaqaale ee dhanka waxbarashada.

    3. Wasaaraddu waxay baaritaan gaar ah ku samayn doontaa xogta waxbarasho ee ardaydaan, dugsiyada ay dhiganayeen iyo cidda ka masuulka ah lugooyada lagula kacay, iyadoo la magacaabi doono guddi warbixin dhammaystiran ka keena si tallaabada iyo go’aanka ku habboon loo qaado.

    4. Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland waxaa ka go’an ilaalinta iyo dhowrista Tayada waxbarashada si loo hubiyo hirgelinta iyo fulitaanka siyaasadda tayadhowrka waxbarashada.

    DHAMMAAD.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    March 25, 2026

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    March 25, 2026

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.