Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Puntland oo joojisay Bacaha in ay kasoo degaan Deegaamadeeda
    Puntland

    Puntland oo joojisay Bacaha in ay kasoo degaan Deegaamadeeda

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 5, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garowe: 05 June 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta ka qayb-galay munaasabadda xuska maalinta Deegaanka Aduunka oo sanad kasta loo dabaaldego (05-ta Bisha June), taasi oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada.

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlayey munaasabadda xuska maalinta deegaanka adduunka , ayaa faray Masuuliyiinta Maaliyadda, Laamaha Amniga iyo Hay’adaha ay khuseyso in laga billaabo maanta aan wax Bac ah laga soo dejin karin Puntland, Kuwa lagu soo geliyo kotorobaankana laga hortago, sii loo illaaliyo deegaanka.

    Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole, ayaa Munaasabadda la wadaagay dadaalka ay Wasaaradu ku bixisay Illaalinta deegaanka iyo dhireynta, wuxuuna uga mahadceliyay Madaxweynaha Dowladda Puntland iyo Guud ahaanba Dowladda muhiimada la siinayo arrimaha deegaanka iyo Isbedelka Cimilada .

    Hal ku dhiga xuska illaalinta deegaanka ayaa sanadkan laga dhigay “Dib u soo nooleynta Dhulka, la-dagaalanka saxaraha iyo u adkeysiga Abaaraha”. Waxaana ka qeyb-galay munaasabadda Masuuliyiinta Wasaaradda Deegaanka iyo Hay’adaha ay wadashaqeeyaan, xubno ka mid ah Goleyaasha Dowladda, Laamaha Amniga , La-taliyeyaal , Waxgarad, qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo Saraakiil Madaxtooyo.

    -DHAMMAAD-

    -XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo markale ilhaameeyay Xasan Shiikh

    September 26, 2025

    Faallo:-Dabka uga shidmay Xamar Xasan halkee la aadi doonaa?

    September 26, 2025

    Wax badan ka ogow tagida Xasan Shiikh Ee Kismaayo

    September 26, 2025
    Latest Posts

    Trump oo markale ilhaameeyay Xasan Shiikh

    Faallo:-Dabka uga shidmay Xamar Xasan halkee la aadi doonaa?

    Wax badan ka ogow tagida Xasan Shiikh Ee Kismaayo

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    Xasan Shiikh oo dabin siyaasadeed ugu dhacay Mucaaradka Xamar

    Jen.Qalyare oo Aas qaran loogu sameeyay Garowe

    Xog:-Maxaa kala socotaa mashruuca horumarinta Ee New Muqdisho?

    Xasan Shiikh oo baadigoob ugu jira isla sawirka Trump

    Markab sida 150-Kunteenar oo kusoo xirtay Bosaso

    Faallo:-Puntland oo Wayday Geesi Qaran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.