Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Golaha Wasiirada Puntland oo ansixiyay Miisaaniyada 6-da Bilood Ee so socota
    Puntland

    Golaha Wasiirada Puntland oo ansixiyay Miisaaniyada 6-da Bilood Ee so socota

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 6, 2024Updated:June 6, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garoowe: 06 June 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay Amniga , Geedi-socodka Doorashooyinka Golaha Deegaanka, Ansixinta Miisaaniyadda Dowladda ee June – December 2024, Illaalinta Deegaanka iyo Todobaadka dhaqanka Puntland oo caawa soo xirmaya wuxuu socday (31 May illaa 06 June ) 2024.

    Wasaaradda Maaliyadda ayaa Golaha keentay Miisaaniyadda Lixda bilood ee (June-December) 2024, taasi oo dood iyo falanqeyn ka dib uu cod aqlabiyad ah ku ansixiyey Goluhu. Miisaaniyadda Lixda bilood ee (June-December) 2024, ayaa dhan $207, 009, 112, waxayna korortay 10% marka la barbardhigo lixda bilood ee hore ee (Jan-June 2024).

    Golaha Wasiirada waxaa booqasho sharafeed ku yimi Kooxda Kubadda Cagta ee Homboboro FC oo wadata Koobkii Horyaalka Naadiyada Puntland ee ay ku guuleysteen, waxaa lagu maamuusay in ay Koobka horkeeneen Madaxweynaha, Madaxweyne Ku-xigeenka iyo guud ahaan Golaha.

    -DHAMMAAD-

    -XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo markale ilhaameeyay Xasan Shiikh

    September 26, 2025

    Faallo:-Dabka uga shidmay Xamar Xasan halkee la aadi doonaa?

    September 26, 2025

    Wax badan ka ogow tagida Xasan Shiikh Ee Kismaayo

    September 26, 2025
    Latest Posts

    Trump oo markale ilhaameeyay Xasan Shiikh

    Faallo:-Dabka uga shidmay Xamar Xasan halkee la aadi doonaa?

    Wax badan ka ogow tagida Xasan Shiikh Ee Kismaayo

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    Xasan Shiikh oo dabin siyaasadeed ugu dhacay Mucaaradka Xamar

    Jen.Qalyare oo Aas qaran loogu sameeyay Garowe

    Xog:-Maxaa kala socotaa mashruuca horumarinta Ee New Muqdisho?

    Xasan Shiikh oo baadigoob ugu jira isla sawirka Trump

    Markab sida 150-Kunteenar oo kusoo xirtay Bosaso

    Faallo:-Puntland oo Wayday Geesi Qaran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.