Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Kulanka Dadweynaha iyo Dowlada Puntland oo Garowe ka furmay
    Puntland

    Kulanka Dadweynaha iyo Dowlada Puntland oo Garowe ka furmay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 22, 2024Updated:June 22, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garowe: 22 June 20ttoor, ayaa maanta ka qeybgalay Kulanka Dowladda iyo Dadweynaha, oo ahaa kulan Bulshada lagula wadaagay qorsheyaasha hortebinta u leh xukuumadda 2024-2029, iyadoo Dadweynaha fursad loo siiyey in ay ku biiriyaan wixii tallo iyo su’aalo ah.

    Madasha waxaa mudnaanaha hortebinta u leh xukuummadda 2024-2029, kusoo bandhigay Afar Guddi oo ka kooban Golaha Xukuumadda kuwaasi oo kala ah :- Guddiga Maamul wanaaga iyo ku dhaqanka Sharciga, Guddiga horumarinta dhaqaalaha iyo kaabayaasha , Guddiga horumarinta wax-soosaarka iyo Guddiga horumarinta Arrimaha Bulshada .

    Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa boggaadiyay Kulanka iyo sida furan ee bulshada iyo Dowladdu tallooyin iyo su’aalo isu weydaarsadeen, wuxuuna kula dardaarmay dadweynaha Puntland dal iyo dibadba in laga shaqeeyo midnimada, wadajirka iyo horumarka Puntland.

    Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Goleyaasha Dowladda Puntland, Xisbiyada Siyaasadda, Guddiga Doorashooyinka Puntland ee PEC, Saraakiisha Laamaha Amniga, Maamulka Gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe , Culimaa’udiinka, Dhaqanka , Ururada Bulshada Rayidka ah, Haweenka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Garoowe.

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

     

     

    -DHAMMAAD-

    -XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    March 25, 2026

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    March 25, 2026

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.