Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Olalaha Doorasho Ee 3-Degmo oo si rasmi ah ufurmay
    Puntland

    Olalaha Doorasho Ee 3-Degmo oo si rasmi ah ufurmay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 6, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa caawa si rasmi ah u daah-furay Ololaha Xisbiyada Puntland ee Doorashada Goleyaasha Deegaanka Garoowe, Dangoroyo iyo Godob-jiiraan oo si rasmi u bilowmaya 06 July 2024 isla markaana socon doona illaa 22 July 2024, iyadoo Doorashada Saddexda Degmo ay dhici doonto 23 July 2024.

    Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, ayaa bulshada degmooyinka Garoowe, Dangoroyo iyo Godob-jiiraan ugu baaqay in ay isu diyaariyaan tartan doorasho oo caafimaad qaba, iyadoo Xisbiyada laga rabo inay ololeeyaan iyagoo illaalinaya shuruucda iyo qawaaniinta ay dejisay Guddiga Doorashooyinka Puntland ee (PEC).

    Munaasabadda oo ay soo diyaarisay Guddiga Doorashooyinka Puntland ee (PEC), waxaa ka qeybgalay 8-da Xisbi Siyaasadeed ee Puntland kuwaasi oo kala ah HORSEED, MIDEEYE, KAAH, MUSTAQBAL, RUNCAD, SINCAD , SHAQAALAHA IYO IFIYE.

    Sidoo kale waxaa ka qeybgalay Munaasabadda Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda Puntland, Goleyaasha Dowladda Puntland, Ururada Bulshada Rayidka ah iyo Hay’adaha ka shaqeeya arrimaha Dimuqraadiyadda Puntland.

    -DHAMMAAD-

    -XAFIISKA WARFAAFINT MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    March 25, 2026

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    March 25, 2026

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.