Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Fadhiga Golaha Wakiilada Puntland oo si habsami leh usocda
    Puntland

    Fadhiga Golaha Wakiilada Puntland oo si habsami leh usocda

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 8, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garoowe, Luulyo 08, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Abdirisak Axmed Sacid oo ay wehliyaan ku-xigeenka 1-aad Mudane Maxamed Baarri Shire iyo ku-xigeenka 2-aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 9-aad ee Kal-fadhiga 54-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

    Fadhiga maanta Ajandaha,ayaa ahaa dhegeysiga warbixinta Xisaab Xirka Sannada Maaliyadeedka 2023-ka oo ay akhrinta labaad ay ku soo sameeyeen Guddiga Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha Wakiillada DPL, si waafaqan Dastuurka Dawladad Puntlad Qodobkiisa 64-aad iyo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada DPL. Intaas Kadib waxaa cod gacan-taag ah ugu codeeyay Oggol 42 Xildhibaan, Diidmo 6, halka ay ka aamuseen 2 Mudane Ansixinta Xisaab Xirka Sannad Maaliyeedka 2023-ka.

    Dhinaca kale, xildhibaan Liibaan Beddel Shiikh Maxamuud ayaa Golaha u soo gudbiyey iscasilaad xubinnimada Golaha Wakiillada. Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa ka oggolaaday iscasilaadda xildhibaanka, si waafaqsan Dastuurka Dawladda Puntland Qodobka 62-aad iyo Qodobka 18-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada.

    Ugu dambayn waxaa xildhibaannada Golaha Wakiillada loo qeybiyey wax-ka-beddelka Xeerka Nootaayooyinka Puntland iyo Hindise-xeereedka Summadda Ganacsiga oo ay xukuumaddu soo gudbisey, si Goluhu ugu sameeyo akhrinta 1-aad si waafaqsan Qodobka 58-aad ee Xeer hoosaadka Golaha Wakiillada.

    -DHAMMAAD-

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    March 25, 2026

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    March 25, 2026

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.